Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa qirtay inuu u xiisi doono saaxiibkiisii hore Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo lacago rikoor ah ugu biiray Arsenal intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagii laga soo gudbay. Pierre-Emerick Aubameyang wuxuu noqday xidiii hantay gooldhalinta Bundesliga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isagoo ku garaacay xidiga...

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu eedeeyay inuu si hagar ay ku jirto ugu ciyaaray Borussia Dortmund si looga iibiyo kooxda Arsenal. Aubameyang ayaa 56 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Bundesliga islamarkaana ugu biiray kooxda Gunners maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ka dib muddo bil ah oo wadahadalka heshiiskiisa uu socday.Xiddiga reer Gabon ayaa waxaa...

Michy Batshuayi ayaa jawaab dhaqso leh ka bixiyay go’aankii ay kooxdiisa amaahda ugu dirtay isla markaana laba gool ku furtay kulankiisii ugu horeeyay Borrusia Dortmund, ciyaar ay 2-3 kaga badiyeen FC Cologne kulan ka tirsan horyaalka Bundesliga. Weeraryahankaan reer Belgium wuxuu qeyb ka noqday heshiisyada isku xirnaa ee Aubameyang ku hogaamiyay Arsenal, sidoo kalana...

Horyaalka Premier League ayaa ah horyaalka aduunka ee lacagta ugu badan soo saara iyada oo kooxaha Premier league yihiin kooxaha kubbada cagta ee aduunka ugu dhaqaalaha badan. Daraasad dhawaan la soo saaray 20 ka kooxood ee kubbada cagta aduunka ugu dhaqaalaha badan waxaa kala badh noqday kooxaha Premier League waxayna markale taas ku muujiyeen suuqii kala iibsiga ciyaartoyda...

Sida ay shaacisay muuq baahiyaha Sky Sports Arsenal ayaa aad ugu dhow inay ogolaato heshiis 60 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegayaan xiddiga Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, halka majalada Kicker ee ka soo baxda dalka Jarmalka ay iyadu baahisay in durbaba ay labada kooxood ku heshiiyeen 60 milyan ginni. Sky Sports ayaa sheegtay in wadahadaladu ay weli...

Xiddiga diirada u saaran Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo darat kooxda Borussia Dortmund ee maanta oo Sabti ah la ciyaareysa kooxda Freiburg. Saraakiil ka socota kooxda Premier League ka dhisan ee Gunners ayaa wadahadalo u joogay Jarmalka isbuucaan si ay u dhameystiraan saxiixa weeraryahanka, inkastoo Arbacadii laga soo diiday dalab kor u dhaafaya 50 milyan...

Kooxda Arsenal ayaa sare u qaaday hamigeeda ah in ay soo xero galiso saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang waxaana hadda soo baxay war cusub oo faah faahin dheeraad ah ka bixinaya qodobada heshiiska ay Arsenal la gaadhay Aubameyang. Wariyaha sida wayn loo xushmeeyo ee dalka Talyaaniga ee  Gianluca Di Marzio ayaa...

Wakiilka weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa la xaqiijinayaa inuu u safray magaalada Landon si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu dhaqaaqayo xidiga uu dalaalka ka yahay kooxda Arsenal. Wargeyska Daily Mirror ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in qiimaha uuu Aubameyang ugu dhaqaaqayo kooxda Gunners uu gaarsiisan...

Seddexda xiddig ee isagu soo hartay tartanka abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika ayaa shaaca laga qaaday iyadoo xiddig oo Premier League ah ay u tartamayaan. Labada ciyaartoy ee Liverpool Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa kula tartami doona abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika ee ay bixiso xiriirka kubada cagta Afrika ee CAF xiddiga Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.Mohamed...

Kooxda Borrusia Dortmund ayaa shaqadii ka ceyrisay tababare Peter Bosz, waxeyna durba xilkaas u magacaabeen macalinkii hore Koln Peter Stoger kaas oo qibrad fiican ka heysta horyaalka Bundeslig. Musiibada Dortmund ee xilli ciyaareedkaan ayaa sii socotay kadib markii ay 2-1 guuldaro ah kala kulmeen kooxda sadexaad ee ugu hooseysa horyaalka Bundesliga Werder Bremen. Kooxda...

Real Madrid ayaa caawa ciyaareysa iyadoo goor hore xaqiijisay iney kusoo baxday booska labaad ee group-ka H, waxeyna ciyaareysaa kulan dhimasho u ah Borrusia Dortmund madama kooxda reer Jarmal ay u baahan tahay natiijo fiican si aysan u seegin tartanka labaad ee yurub UEFA Europa League oo sanadkaan xiiso gaar ah leh. Cristiano Ronaldo ayaa caawa doonaya inuu dhigo rikoor...

Xalayto kooxda Borussia Dortmund ayaa bogeeda Twitter waxa ay soo dhigtay qoraal aan laga fileynun taasoo lagu faahfaahinayo inay kooxda shaqo joojin ku sameysay weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang. Xiddiga reer Gabon ayaa haatan seegi doona kulanka muhimka ah ee Bundesliga ee ay la ciyaarayaan kooxda Stuttgart, iyadoo kooxda tababare Peter Bosz ay ku qasban yihiin inay...

Tababare Jurgen Klopp oo 50 sanno jir ah ayaa muddo 16 sannadood haatana ku xamaalanaya shaqada tababarenimo isagoo ka soo bilaabay kooxda Mainz 05 oo uu qabtay sannadii 2001. Ka dib markii uu todoba sannadood joogay Mainz waxa uu u wareegay Borussia Dortmund halkaasoo uu ku dhistay sumcadiisa isagoo kooxda Dortmund ku hogaamiya horyaalka Bundesliga labo sanno oo isku...

Kooda Borrusia Dortmund ayaa soo dhaweyneysa kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga sidoo kalana ah difaacdayaasha kulan ka tirsan horyaalka, waxeyna kusoo aadeysaa ciyaartaan xilli kooxda Dortmund ay ku jirto marxalad aan wanaagsaneyn. Wiilasha macalin Peter Bosz waxey ku jiraan waqti niyadjab madama ay heleen 1-dhibic oo qura sadexdii ciyaarood ee ugu dambeysay Bundesliga...

Xaalad aad u qasan kama jirto group-kaan, mana noqon sidii la filayay madama kooxda Borrusia Dortmund ay noqotay mid hoobatay oo kusii dhawaaneysa iney isaga harto tartanka Champions League. Real Madrid waxey caawa u baahan tahay iney guul kusoo gaarto Wembley si ay u xaqiijiso iney usoo baxday wareega 16-ka, halka Spurs ay iyana u baahan tahay sidaas oo kale. Borrusia...

Majaada France Football iska leh abaal marinta Ballon d’Or ayaa ugu danbayn dhamaaystirtay liiska 30-ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 ku tartami doona abaal marinta shaqsiga ah ee xidiga aduunka ugu fiican kadib markii ay tan iyo saaka hadba qayb liiskan ka mid ah soo saaraysay. Waxay hadda France Football ku dhawaaqday liiska qaybtii lixaad ee ugu danbaysay waxaana hadda...

Real Madrid ayaa guusheedii abid ugu horaysay ku soo gaadhay Signal Iduna Park iyada oo cashar lama ilaawaan ah u soo dhigtay kooxda Borussia Dortmund waxaana sidii looga bartay tartamada kooxaha Yurub kulankan isku muujiyay Cristiano Roanldo oo dhinac iskaga dhigay dhibaatadii horyaalka La Liga. Real Madrid ayaa soo heshay guul muhiim ugu ah in ay kaalinta kowaad kaga...

Real Madrid ayaa marti u ah kooxda Borussia Dortmund, waxayna xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay ku sagaalamayaan kooxda hogaamin doonta Groupkooda iyada oo Dortmund xili ciyaareedkii hore kaalinta kowaad ku soo baxday. Zidane iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay guushii ugu horaysay ku gaadhaan Signal Iduna Park. Tababare Zinedine Zidane ayaa goolkiisa ku soo bilaabay...

Marka magaca Cristiano Ronaldo laga xuso Jarmalka, waxaa cabsi xoogan ku abuurma difaacyada, xili jamaahiirta uu xaalku ku adkaanayo maadaama ay cabsi balaadhan ka muujinayaan ka hor imaatinka laacibka ree Portugal, si la mid ah tababarayaasha ayaa iyagana shalaay ka muujiy nasiibkooda. Cristiano Ronaldo ayaa cadowga ugu wayn u ah kooxaha ree Germany iyada oo Bayern Munich...