Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Kooxda Borussia Dortmund ayaa shaaca ka qaaday in xidiga kooxdeeda ee Mario Gotze uu garoomada ka maqnaan doono muddo aan la cajimin oo aan la garayn kadib markii la xaqiijiyay in uu wajahayo xanuun aan dhaawac ahayn oo laga daaweeyay. Liverpool ayaa wada xaajoodyo kula jirtay kooxda Dortmund waxayna doonaysay in ay dhamaadka xili ciyaareedkan kala soo wareegto xidiga...

Kooxda Bayern Munich ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka Bundesliga ka dib markii ay sideed gool iyo waxba ku xasuuqeen kooxda Hamburger SV oo marti ku aheyd Allianz Arena iyadoo maanta ay maalin weyn u aheyd tababarahooda Carlo Ancelotti oo u dabaaldegayay kulankiisii KUMAAD ee uu tababare ahaa. Robert Lewandowski ayaa seddexleey dhaliyay oo mid ka mid ah goolashaas...

Galabta, tababaraha Talyaaniga Carlo Ancelotti waxa uu kursiga keydka soo fariisan doonaa ciyaartii KUMAAAD isagoo tababare ah, kulanka ay Bayern Munich martigelineyso kooxda Hamburg.Isagoo lagu yaqaano awoodiisa farsamo ee tababare ahaan Carletto ayaa hogaamiyay kooxaha Milan, Chelsea, Juventus, Parma, Reggiana, PSG, Real Madrid iyo haatan uu joogo Bayern Munich. Sidaasi...

Xiddiga da’ yarka xulka England iyo Manchester United Marcus Rashford ayaa ku soo baxay liiska 30ka ciyaartoy ee ugu fiican ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 20 sanno jirada ee qaarada Yurub. Jariirada Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport ayaa ku tilmaamtay xiddiga Manchester United Rashford da’ yarka afaraad ee ugu fiican qaarada Yurub. Waxaa kaalinta...

Waxaa caawa la ciyaarayaa qaybtii labaad ee kulamada lugta kowaad ee Champions Leaque-ga wareegiisa 16 ka koxoood waxaana kulanka ugu xiisaha badan Etihad Stadium iskag ahor imanaya kooxaha Manchester City iyo AS Monaco oo xili ciyaareedkan jirta qaab ciyaareed aad u fiican.Waxa kale oo wada ciyaaraya kooxaha Bayern Leverkusen oo Germany ku marti galinaysa kooxda Atletico...

Manuel Neuer ayaa la sheegay inuu la meel dhigay gumaadkii Bayern Munich ay 5-1 ku soo gumaaday Arsenal “Fasax” sida ay qoreen inta badan saxaafa UK laakin erayadii goolhayahaan ayaa si qalad ah oo aad xaqiiqda uga fog loo turjumay. Bayern ayaa hogaan afara gool ah wadata ka hor kulankooda lugta labaad ee Champions League 16aad ee ay martida u noqon doonaan...

Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer ayaa jamaahiirta kooxda Arsenal ka sii cadhaysiiyay kadib markii uu cusbo sii mariyay murugadii ay Allianz Arena kagala soo kulmeen kooxda Bayern Munich. Arbacadii Bayern Munich ayaa 5:1 ku soo xasuuqday Arsenal laakiin kulankii xigay ee horyaalka Germany ayaa noqday sheeko ka duwan.Bayern Munich ayaa kadib kulankii Arsenal...

Carlo Ancelotti ayaa furka tuurtay kulankii shalayto iyadoo Bayern Munich ay hal dhibic badbaadsatay markii uu Robert Lewandowski u barbareeyay dhamaadkii ciyaarta kulankii ay la dheleen Hertha Berlin. Waxaana ay taasi keentay in tababarihii hore ee AC Milan inuu farta dhexe u taago mid ka mid ah taageerayaasha kooxda martida loo ahaa. Waxaana uu ciyaarta ka dib sheegay...

Haddii ay Bayern Munich 5:1 ku soo xasuuqday Arsenal isla markaana ay farxad seexan kari la’ayd, waxay ubaahtay in Robert Lewandowski uu taariikh ka sameeyo horyaalka Germany ee Bundesligaha si uu kooxdiisa guuldaro uga badbaadiyo ilbidhiqsigii ciyaarta ugu danbeeyay. Kooxda caasimada Germany ka dhisan ee Hertha Berlin ayaa Bayern Munich gool kaga hormartay daqiiqadii...

Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay xagaaga la soo wareegto xiddiga Koobka Adduunka ku guuleystay ee Borussia Dortmund Mario Gotze sida ay qortay jariirada Daily Mirror. Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu dib u la midoobo kubadsameeyaha khadka dhexe Gotze, wadahadalo uu kula soo wareegayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaana la fahamsan yahay inay dhaceen. Liverpool ayaa...

UEFA ayaa jamaahiirta kubabda cagta aduunka u soo bandhigtay in ay u codeeyaan goolkii ugu qurxda badnaa kuamadii lugta kowaad ee Champions Leaque-ga wareegiisa 16 ka kooxood ee talaadadii iyo arbacadii la soo ciyaaray. Waxaa jiray Xidigo ay ka mid yihiin Angel Di Maria, Karim Benzema iyo Arjen Robben oo ku tartamayay goolka todobaadka ee Champions leaque-ga.Kadib codbixintii...

Haddii talaadadii ay saxaafada aduunku la wareersanayd guuldaradii 4:0 ahayd ee Barcelona ka soo gaadhay PSG isla markaana si wayn wax looga qoray waxaa lagu ilaaway xasuuqii naxariis darada ahaa ee ay Bayern Munich garoonkeeda Allianz Arena ugu gaysatay kooxda ay beerka kala baxday ee Arsenal. Dareenka saxaafada aduunka gaar ahaan kuwa ciyaaraha ayaa markaliya iska ilaaway...

Uefa ayaa soo xulatay ciyaartooyda u tartamaya xidigii ugu fiicnaa tartanka Champions league ee xalay iyo habeen hore la ciyaaray iyadoo ay dhaceen natiijooyin yaab leh sida tii Arsenal ee xalay SHANTA gool loo dhiibay iyo tii habeen hore ee Barcelona afarta gool lagu gumaaday. Ceeb ayaase dhacay kadib markii xidigaha tartamaya laga waayay Marco Verrratti oo habeen mucaashaqiinta...

Arsenal ayaa heysata “Kaliya labo ciyaartooy oo heer sare ah” taas ayaana sabab u aheyd ceebtii Champions League kaga soo gaartay gacmaha Bayern Munich, sidaasi waxaa qaba Roy Keane. Kabtankii hore ee Manchester United ayaa weerar ba’an ku qaaday kooxda lasoo ceebeeyay ee Gunners oo markale 5-1 loogu soo dhiibay garoonka Allianz Arena lugta koowaad...

Bayern Munich ayaa markale Allianz Arena fadeexad kubbadeed ku baday kooxda ay dhibaatada badan ku soo abuuri jirtay ee Arsenal. Carlo Ancelotti iyo wiilashiisa Bavaria ayaa 5:1 ku gumaaday Arsenal oo ceeb wayn markale kala laabtay kulan kale oo ay Bayern Munich marti u ahayd. Thiago Alcântara ayaa kulankan isku muujiyay wuxuuna ka dhaliyay laba gool  halka uu sidoo...

Madax waynihii Maraykanka ee dhawaan xafiiska aqalka cad uu ka badalay Donald Trapp ee Barack Obama ayaa casuumad ka helay mid ka mid ah kooxaha yurub, waxaana loo sheegay in maadaama oo ay yihiin kooxda kaliya ee uu bartiisa twitterka kala socda kooxaha Yurub in uu ka soo qayb galo mid ka mid ah kulamada ay ciyaari doonaan.Barack Obama oo 55 sano jir ah ayaa hadda...

Bayern Munich ayaa markale wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque-ga garoonkeeda Allinz Arena ku soo dhawayn doonta kooxda ay sida joogtada ah iskugu soo arkayeen tartanka kooxhaa Yurub ee Arsenal. Tababare Arsene Wenger iyo ciyaartoyda kooxdiisa ayaa si fiican uga dheragsan halista iyo culayska ay ku dareemi doonaan garoonka Bavaria iyaga oo wali ay maskax ahaan u dhibayso...

Bayern Munich ayaa iska diiday dalab 100 milyan euro oo u dhiganta 85 milyan ginni oo ay Man United ka soo gudbisay Thomas Muller xagaagii la soo dhaafay, sida uu xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka maamulka guud ee kooxda Jarmalka Jan-Christan Dreesen. Dalabka xiddiga Jarmalka ayaa yimid markii uu Jose Mourinho la wareegay shaqada Old Trafford oo uu bedelay Louis van Gaal. Mourinho...