Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa raali galin ka bixiyay ficilkiisii xumaa ee uu ku riixay garsooraha afraad ee kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Burnley. Arsene Wenger ayaa riixay garsoore Anthony Taylor oo ahaa garsoorihii kaydka Emirates Stadium ku qornaa waxaana Wenger la siiyay kaadhka cas iyada oo Jonathan Moss uu arinta soo faro galiyay isla...

Arsenal ayaa u baahtay in ay daqiiqadii 97 aad ee kulankii Emirates Stadium guul kaga gaadho kooxda Burnley oo u muuqatay in ay waqtigii dhimasada ee dhamaadkii kulankan heshay hal dhibic kadib markii ay goolka barbaraha heshay daqiiqadii 92 aad ee kulankan laakiin laba rekoodhe oo la dhigay saddex daqiiqo gudahood ayaa natiijadii kuankii Arsenal iyo Burnley ka dhigtay...

Thierry Henry ayaa ku calaacalay kuna booriyay Mesut Ozil inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Arsenal kuna hogaamiyo kooxdaasi horyaalkoodii ugu horeeyay ee Premier League tan iyo sanadkii 2004 uuna kamid noqdo halyeeyada kooxdaasi. Xidiga heerka caalami ee xulka qaranka Germany ayuu heshiiskiisa haatan ka haray 18 bilood ayna waqti dheer qaadatay in heshiiska loo...

Arsenal ayaa wajaheysa Burnley xili ay u baahan yihiin iney cadaadiska ku sii hayaan kooxaha ka sareeya sidoo kalena fursad u heysta iney dheereystaan farqiga dhibcaha ee kala dhexeeya Man City iyo Man United oo ku heysta kaalinta afaraad. Xaalada dhaawac Ee Arsenal Bellerin, Giroud, Gibbs iyo Couqelin ayaa dhamaan ka soo laabtay dhaawacyadii ay ku maqnaayeen halka Theo...

Arsenal ayaa qarka u saaran iney ka baxdo booska 4-aad, waxeyna jaanis fiican u heystaan galabta iney tiigsadaan booska labaad ee horyaalka iyagoo shan dhibcood oo qura u jirsan doona Chelsea oo daqiiqado kadib kulankooda soo dhaweyn doonta Hull City. Gunners fursad fiican ayey caawa heystaan oo ay uga dhabeyn karaan sida ay uga go’antahay iney u tartamaan horyaalka...

Halyaygii Arsenal ee Ian Wright ayaa meesha ka saaray in Diego Costa iyo Alexis Sanchez ay ku guulaysan doonaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier Leaque-ga xili ciyaareedkan inkasta oo ay hadda ka mid yihiin xidigaha ugu cad cad ee loo saadaalinayo, wuxuuna Ian Wright ku dooday in kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier Leaque-gu ay u dhexayso Zlatan Ibrahimovic...

Halyayga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa ka walwalsan in xidiga kooxdiisii Arsenal ee Alexis Sanchez uu Allianz Arena kula midoobo xidiga ay isku xulka qaranka Chile yihiin ee Arturo Vidal, wuxuuna sidoo kale Thierry Henry  ka hadlay mustaqbalka Mesut Ozil. Arsenal ayaan ilaa hadda wax heshiis kordhin ah la gaadhin Alexis Sanchez iyo Mesut Oziloo dalbaday in mushaarkooda...

Arsenal ayaa war farxad leh ka heshay qolka daawada kooxdeeda ka hor kulankooda axada horyaalka Premier League ay Burnley ku soo dhaweyn doonaan garoonkooda Emirates Stadium. Maclain Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Olivier Giroud, oo shan gool dhaliyay shantiisii kulan ee ugu danbeysay, uu ku soo laabtay tababarka kooxdiisa isagoo kasoo kacay dhaawacii ka soo gaaray...

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wengerayaa xaqiijiyay in mid kamid ah xidigaha kooxdiisa ee muhiimka ahaa uu qandaraaska u kordhiyay kooxdiisa  kadib wada hadalo dheer oo dhexmaray isaga iyo kooxdiisa. Kabtanka kooxda Arsenal ee Per Mertesacker ayaa ogolaaday inuu heshiiskiisa Gunners ku kordhiyo hal sano iyago ka faa’ideystay dookhi h--e u yaalay ee ahaa iney hal...

Manchester United ayaa loo magacaabay koxoda daqliga ugu badan heshay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ee 2015/2016 waana sahanka ay sameyso Deloitte xalaqada lagu ogaado kooxaha kubadda cagta kuwooda helay daqliga ugu badan xili ciyaareed walba. (Deloitte Money League). Xog aruurintaan waa markii 20-aad oo ay qabanayaan shirkadaan waxeyna ku kor meeraan kooxaha kubadda...

Jamaahiirta kubbada cagta ayaa aad u neceb in ay arkaan ciyaartoy u ciyaaraya koox ka soo hojeeda oo dhulka isku tuura si uu kooxdiisa ugu guulaysto in rekoodhe lagu abaal mariyo, laakiin marka uu istuuro ciyaartoy kooxdooda ka tirsan ee uu doonayo in uu rekoodhe ugu guulaysto si aan sharci ahayn ayayna indhahoodu qaban waxayna u arkaan in uu yahay go’aan sax ah. Xidhiidhada...

Xidigo badan oo muhiim ah oo ka tirsan kooxda Arsenal ayaa galay 18 kii bilood ee ugu danbeeyay heshiisyada ay kula jiraan kooxda Emirates Stadium ka dhisan, waxaana jira saddex xidig oo aan wali lala bilaabin wax wada xaajood ah oo heshiiskooda lagu kordhinayo. Sida uu ku waramay wargayska London Evening Standard, maamulka Arsenal ayaan wali wax wada xaajood ah la furin Jack...

Tottenham ayaa ku iibisay Tom Carroll oo ku biiray Swansea lacag dhan £4.5milyan oo pound taasoo marka la qiimeeyo wax weyn ka tari karta qiimaha guud ee maalgelinta iyo maal soo xereynta kooxda, kooxda ku ciyaarta waqooyiga London ayaa ceebeysay kooxaha waa weyn ee horyaalka ingiriiska marka la eego sida ay isugu miisaanto dakhliga ay wax ku soo iibsato iyo kan ay...

Kala wareegga nuucaan oo kala ah waa mid naadir ah, inkastoo saxaafadda talyaaniga ay qoreyso in kooxaha Arsenal iyo Juventus ay qorsheynayaan iney sameeyaan kala badalashadii ugu weyneed ee ay kooxaha yurub ka sameeyaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda mudooyinkii dambe. Wargeyska Tuttusport ee fadhigiisu yahay magaalada Turin ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay aad u xiiseyneyso...

Xidigii horre qaranka England iyo Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in kaliya afar kooxood uu u dhaxeeyo tartanka horyaalka kadib natiijooyinkii todobaadkaan. Axaddii ayey aheyd markii Manchester City ay ku mashowday Goodison Park markaas oo 4-0 guuldaro ah ay kala kulantay Everton, halka Manchester United ay barbaro ka tuugtay Liverpool iyadoo ku sugan gurigeeda. Natiijooyinkaas...

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa qirtay in uu cashuur ka lunsaday dalka Spain wuxuuna xidiga ree Chile wajahayaa dacwad uu xabsi ku gali karo. Sanchez ayaa qirtay in uu galay laba danbi oo cashuur lunsi ah muddadii u dhexaysay 2012 iyo 2013 oo ka tirsanaa kooxda Barcelona isaga oo maxkamada qaab muuqaal ah uga hor qirtay in uu waaxda...

Hey’ada sameysa qiimeynta ciyaartooyda ciyaara kubadaha kala duwan ee isboortiga ee CIES ayaa soo saartay xidigaha ugu qiimaha badan ee kubada cagta, waxaana soo baxay qiimeyn layaab leh iyadoo warbixinta ay sheegtay in Manchester United ay Paul Pogba ku heshay qiimo yar inkasto ilaa haatan uusan qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa soo bandhigeyn. Waxaa xidiga ugu qaalisab...

Waa Kuma Alexis Sanchez? Si Fudud waa mid ka mid ah ciyaartoyda jaceylka xad dhaafka u qaba kubadda cagta sidoo kalana doonaya inuu daqiiqad walba ku jiro garoonka, balse Arsene Wenger ayaan fahmin malaha baahida uu qabo xidigiisa inkastoo laga yaabo in badalkiisa ay ka dambeyso qibrad macalinimo oo aanan noo muuqan. Mashiinka reer Chile ayaa tuuray gacmo gashiga uu caankaku...