Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay qiimaynta bilaha ah ee xulalka qaramada aduunka waxaana qiimayntii bishii January ee xulalka qaramada aduunka wacdaro ka muujiyay Cameroon oo guul wayn ka soo hosay tartankii qaramada Afrika ee AFCON 2017 ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Gabon.Cameroon ayaa sare u soo kacday 29 boos iyada oo guulihii ay...

Sida uu shaaca ka qaaday macalinka xulka qaranka Cameroon Hugo Broos waxaa jira ciyaartoy badan oo ilaa iyo hadda ka qoomameynaya go’aankii ay ku diideen xulka qaranka waxaana ka mid ah daafaca Liverpool Joel Matip. Daafaca Liverpool ayaa ka mid ah sideed ciyaartoy oo uu tababare Hugo Broos ka saaray qarankiisa markii ay siyaabo kala duwan u diideen, balse mid walba...

Xulka qaranka Cameroon ayaa ku guulaystay koobka qarmada Afrika ee AFCON 2017 kadib markii ay guul soo laabasho cajiib ah ka gaadheen xulka qaranka Masar ee ay cadhada wayn u qabeen waxayna Masar iska lumisay gool ay qaybtii hore ee kulankan ay hogaanka ciyaarta ku haysay. Gool uu Mohamed Elneny dhaliyay qaybtii hore ee kulankan ayuu kansalay Nicolas N’Koulou laakiin...

Waxaa finalka tartanka qaramada Afrika iskaga hor imanaya xulka qaranka guulaha ugu badan koobkan ka soo gaadhay ee Masar iyo xulka qaranka Cameroon waana kulan kale oo final ah oo ay Masar iyo Cameroon isku wajahayaan kadib markii ay horeba Masar laba jeer finalka koobka qaramada Afrika ugu soo garaacday Cameroon. Goolhayaha halyayga ah ee Essam El-Hadary oo 44 sano jir...

Tartanka African Cup of Nation ayaa lasoo afjari doonaa caawa waxaana hubaal ah in midkood Egypt iyo Cameroon ay hanan doonto madama ay yahiin labada kooxood ee soo istaagay kama dambeysta tartankaan. Masar waxey dooneysaa iney hanato markeedii 8-aad halka Cameroon ay dooneyso iney hanato markeedii 5-aad ee tartankaan, waxaana labadaan dal ay laba jeer oo hore isaga hor...

Masaarida oo tartankaan 7-jeer ku guuleystay ayaa soo dubtay Burkino Faso kulankii Semi Finalka, halka Cameroon ay soo jiirtay xulka qaranka Ghana, Masaarida waxey kusoo baxeen rigooreyaal halka Cameroon ay goolal cad cad uga soo baxday Ghana. Mohamed Salah ayaa ah xiddiga ugu qatarta badan xulka qaranka Egypt halka Cameroon xiddiga ugu muhiimsan uu yahay Ngadeu-Ngadjui...

Cameroon ayaa u soo baxday finalka koobka qaramada Afrika kadib markii ay kulan adag oo xamaasad badan iskaga hor yimaadeen xulka qaranka Ghana, waxaana Cameroon guul 2:0 ay ku hogaamiyay Ngadeu iyo Bassogog oo Ghana ku ciqaabay fursado tiro badan oo ay iska lumiyeen. Cameroon ayaa finalka koobka qaramada Afrika la ciyaari doonta Masar oo rekoodh ku haysata tartankan. Xulalka...

 Xulka qaranka Afrika ugu guulaha badan ee Masar ayaa iska xaadiryay afar dhamaadka AFCON 2017 kadib markii ay waqtigii dhimashada ee dhamaadkii kulankii sideed dhamaadka ay qalbi jabiyeen xulka qaranka Morocco oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.Waxaana goolka taariikhiga ah ee ay Masar guushan ku gaadhay dhamaadkii kulankan u dhaliyay Mahmoud Kahraba kaas oo...

Xulka qaranka Ghana ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay ka soo gudbeen imtixaankii xulka qaranka laga yaabanaa ee DR Congo waxaana guushan muhiimka ah Ghana ku hogaamiyay Jordan Ayew iyo Andre Ayew oo Ghana sabab ugu noqtay in ay dhinac iskaga dhigto DR Congo oo intii uu tartankani socday wacdaro soo bandhigtay, waxayna guuldaro xanuun...

Xulalka kasoo wada jeeda qaaradda Africa waqooyigeeda (Egypt iyo Morocco) ayaa midkood ka hari doonta tartanka weyn ee AFCON 2017 kaas oo si habsami leh uga soconaya dalka Gabon. Egypt waxey booska 1-aad kaga soo baxeen Group-ka D halka Morrocco ay kaalinta 2-aad kaga soo baxeen Group-ka C, waxeyna isugu aadeen sida sharciga CAF ay u dajiyeen tartanka.WARBIXINTA KULANKA: Kulanka:...

Xulka qaranka Cameroon ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay kulan laysla daalay rekoodhayaal 5:4 ah ku reebeen xulka qaranka Senegal. Sadio Mane oo waxtar wayn ka soo gaystay in Senegal ay soo gaadho sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika ayaa laga badbaadiyay rekoodhihii shanaad ee Senegal taas oo keentay in Cameroon ay Burkino Faso...

Xulka qaranka Burkina Faso ayaa noqday xulka qaranka ugu horeeya ee iska xaadiriyay afar dhamadka tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay 2:0 ku garaaceen dalka waqoojiyaga Afriaka ka socday ee Tunisa. Xulka qaranka Burkina Faso oo sanadkan wacdaro kala soo muuqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2017 ayaa Tunisa ka cidhibtiray tartankan kadib...

Senegal vs Cameroon Wareega 8da Koobka Qaramada Afrika Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika Garoonka: Stade de Franceville, Franceville. Tababaraha xulka Senegal Aliou Cisse ayaa sheegay in Cameroon ay ugu cadcadahay inay badiso marka ay labada xul ku kulmaan wareega 8da Koobka Qaramada Afrika caawa. Khabiirada Isboortiga ayaanse sidaasi aaminsaneyn, iyagoo u arka in...

Burkina Faso vs Tunisia Wareega 8da Koobka Qaramada Afrika Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika Garoonka: Stade de l’Amitié, Libreville. Tababaraha Burkina Faso Paulo Duarte ayaa diiday inuu ka sii hadlo taatikada xulkiisa ka hor kulanka maanta ee wareega 8da Koobka Qaramada Afrika ee ay la ciyaarayaan xulka Tunisia. Waxa uu u sheegay suxufiyiinta shalayto oo Jimce...

Tartanka African Cup of Nation ayaa soo gaaray heerkiisii Quarter Finalka iyadoo xalay la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay wareega group-yada, waxaana dhameystirtmay sideeda wadan ee sida ciyaar wanaagga ah ugu soo baxay wareaga xiga ee tartanka. Tartanka waxaa laga ciribtiray tartankii difaacanayay Ivory Coast kuwaas oo ku baxay gacmaha Morocco, sidoo kalana waxaa tartanka...

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii ugu danbeeyay wareega saddexaad ee koobka qaramada Afrika waxaana caawa lagu kala baxay Group D oo ugu danbeeyay. Xulka qaranka Masar ayaa guul dahabi ah ka gaadhay dhigooda Ghana waxayna Egypt noqtay xulka qarankii ugu danbeeyay ee boos ka helay sideed dhamaadka AFCON 2017 kadib markii uu Mohamed Salah ka caawiyay in ay...

Nordin Amrabat has been pulled out from the Moroccan national team squad for the African Nations Cup finalsand was replaced by Omar El Kaddouri, according to the Morocco Football Federation.The Watford player got injured in the second half of last week’s 4-1 defeat to Spurs and, after medical test he was pulled out from the squad and he will miss the tournament...