Casaan Mise Buluug? Chelsea Oo Qorsheyneysa Inay Ka Afduubato Man United Saxiixa Alvaro Morata

by Saed Balaleti | Sunday, Jun 18, 2017

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay ka afduubato Manchester United saxiixa Alvar0 Morata sida ay saaka qortay jariirada Ingariiska ka soo baxda ee Sunday Mirror.

Kooxda Blues ayaa dooneysa inay weeraryahanka Real Madrid ku bedesho Digeo Costa kaasoo ku dhawaanaya inuu ku laabto Atletico Madrid.

Morata ayaa la fahamsan yahay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Old Trafford, laakiin milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa ogolaaday in dalab 70 milyan ginni ah in laga gudbiyo weeraryahanka isagoo rajo ka qaba inuu ciyaaryahanka keeno Stamford Bridge.

Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku ayay sidoo kale dooneysaa Chelsea iyagoo baadigoobaya bedelka Costa.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa fariin qoraaleed ugu sheegay Costa inuusan qeyb ka aheyn qorshayaashiisa xilli ciyaareedka danbe.

Kooxdiisa hore Atletico Madrid ayaa la filayaa inay isbuucaan dalab ka soo gudbiso si uu kooxda ugu soo laabto bisha Janaayo marka laga qaado xayiraada ka saaran suuqa kala iibsiga.

Kooxda reer Spain waxa ay soo bandhigin doontaa lacag marka hore gaareysa 26 milyan ginni oo ah in ka yar lix milyan ginni lacagtii ay Chelsea ka soo bixisay ciyaaryahanka sannadii 2014.

Laakiin lacago badan oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa ayay Chelsea kuwada heli doontaa lacagtooda oo dhan haddii heshiis laga gaaro saxiixa 28 jirkaan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments