Carlo Ancelotti Oo Shuruud Ku Xidhay Haddii Uu Daawan Doono Kulanka El-Clasico-da Ee Ay Kooxdiisii Real Madrid U Safrayso Barcelona

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Kulanka El Clásicop-da ayaa ah kulan aanu qof aduunka ah oo kubbada cagta xiiseeyaa aanu doonayn in uu seego, laakiin tababarihii h--e ee kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shuruud ku xidhay haddii uu daawan doon kulanka Camp Nou ee ay Real Madrid martida u noqon doonto Barcelona.Ancelotti

Ancelotti ayaa si fiican u garanaya xamaasada uu kulankani leeyahay laakiin cadaadiska ka saaran kooxdiisa Bayern Munich ayaa ku qasbi kara in aanu daawan kulanka Real Madrid iyo Barcelona. Ancelotti ayaa ku dhibtoonaya kooxda Bavaria oo uu xagaagii dhawaa ka badalay Guardiola wuxuuna sheegay in kulanka El-Clasic-da uu daawan doono kaliya haddii ay kooxdiisu guul gaadho wuxuuna sheegay in haddii kale ooyi doono oo aanu kulankan daawan doonin.ancelotti

Ancelotti oo la waydiiyay haddii uu dawaan doono kulanka El-Clasico-da ayaa yidhi: “Waxay ku xidhan tahay natiijadayada, haddii aanan guulaysan ma awoodi doono in aan daawado El-Clasico-da sababtoo ah waan ooyi doonaa”. Waa markii ugu horaysay ee heerkan oo kale ee ayna Bayern Munich hogaanka u hayn horyaalka Germany muddo dheer wuxuuna Ancelotti ku ku jiraa cadaadis culus.

Like it? Share it!

Leave A Response