Boqorka Yurub! Cristiano Ronaldo Oo Dhigay Labo Rikoor Cusub Ka Dib Seddexleydii Uu Xalay Ka Dhaliyay Bayern Munich Ee Champions League

by Saed Balaleti | Wednesday, Apr 19, 2017

Cristiano Ronaldo ayaa xalayto noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda koobka Champions League ee gaara 100 gool, waana rikoor cusub oo lagu diiwaangeliyay buuga taariikhda koobka kooxaha horyaalka Yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa seddexleey ka dhaliyay kooxda Bayern Munich xalayto kulankii ay Real Madrid ku xaqiijisatay inay u soo baxday wareega afar dhamaadka koobka Champions League.

Waxaana ay taasi ka dhigneyd inuu Ronaldo markii labaad rikoor cusub dhigay, iyadoo kulankii lugta hore ee Munich labadii gool ee uu dhaliyay uu ku noqday xiddigii ugu horeeyay ee gaara 100 gool tartamada kooxaha Yurub oo dhan.

Laakiin xalayto waxa uu dhigay rikoor u qaas ah Champions League isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee tartankaan ka dhaliya 100 gool, waxaana ay ku qaadatay inuu ku dhaliyo 137 kulan.

Waxaa ku soo xiga Lionel Messi oo dhaliyay 94 gool, halka halyeeygii Real Madrid Raul uu weli ku jiro kaalinta seddexaad isagoo leh 71 gool. Waana goolasha laga dhaliyay Champions League laga soo bilaabo wareega group-yada ilaa iyo finalka kuma jiraan goolasha kulamada isreebreebka ee ka horeeya wareega group-yada.

Rikoorka gooldhalinta Champions League:

  1. Cristiano Ronaldo – 100 (137 kulan)
  2. Lionel Messi – 94 (114)
  3. Raúl González – 71 (142)
  4. Ruud van Nistelrooy – 56 (73)
  5. Karim Benzema – 51 (91)
  6. Thierry Henry – 50 (112)

Dhanka kale goolashii seddexda ahaa ee uu xalayto Cristiano Ronaldo ku dhaliyay Bernabeu ayaa iyagana noqday rikoor cusub isagoo noqday xiddiga ugu goolasha badan kulamada Bernabe ee Real Madrid, isagoo garoonka kooxdiisa ku dhaliyay 213 gool, waxaana uu rikoorkaas ka qaaday Alfredo di Stefano oo garoonka Los Blancos ku dhaliyay 210 gool.

Rikoorka Goolasha Bernabeu:

  1. Cristiano Ronaldo – 213 gool
  2. Alfredo di Stefano – 210 gool
  3. Santillana – 209 gool
  4. Raul – 206 gool

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments