Booliiska Swizerland Oo Saakay Markale Weerar Ku Qaaday Guryo Ay Lahaayeen Madaxda FIFA Iyo Dad Cusub Oo Laaluush Lunsiga FIFA Ku Lug Yeeshay

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Nov 30, 2016

Saraakiisha Swiss ayaa saakay qaadya baaritaano kale oo balaaran oo dnabi baaris ah oo ku aadan shaki qeyb kamid ah lacag lunsigii ay sameysay FIFA waxayna baaritaanka dadka ay ku hayaan ku dareen xogyihii guud ee h--e ee Urs Linsi sida ay ku cadeeyeen war ay saakay soo saareen.

“Xafiiska xeer ilaalinat guud ee (OAG) ee dalka Switzerland wuxuu xaqiijinayaa in 23 November 2016 ay sameeyeen baaritaan guryo raadi ah iyagoo kaashanaya xafiiska booliska degmada ee (fedpol) waxaana baaritaanka laga sameeyay meelo badan oo dhulka af jarmalka looga hadlo ee Switzerland,” ayaa lagu yiri warbixinta OAG.

“Baaritaanadaan waxaa loo sameeyay qeyb kamid ah raadintii la xiriirtay laaluush bixin dhan 6.7 milyan oo euros (5.68 milyan pound) ee la sameeyay April 2005 ay sameeyen xiriirka kubada cagta jarmalka ee (Deutscher Fussball-Bund, DFB) lana siiyay Robert Louis-Dreyfus.”]

fifa

Laaluush bixintaas ayaa xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA la soo marsiiyay midixii h--e ee Adidas ee Dreyfus, sida ay qabaan saraakiisha Germany.

Lacagtaas ayaa la aamisan yahay iney aheyd midii ay FIFA saraakiisheeda u qaateen iney jarmalka siiyaan marti gelinta koobki aduunka ee 2006 waxaana wafdiga lacagta bixiyay hogaaminaya sida la sheegay geesigii Bayern ee Franz Beckenbauer kaasoo ay qudhiisa baaritaan ku hayaan saraakiisha Swiss isaga iyo waliba labo sarkaal oo kale oo ka tirsan xiriirka kubada cagta DFB.

Beckenbauer ayaa horay u qirtay inuu qaldamay laakin wuxuu diiday inuu sameeyay wax laaluush bixin ah.

Like it? Share it!

Leave A Response