Ben Woodburn Oo Noqday Xidigii Ugu Da’yaraa Ee Gool U Dhaliya Liverpool, Waase Kuwee Xidigaha Rikoorkaan Kaga Horeeyay?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Nov 30, 2016

Ben Woodburn ayaa isku qoray buugga taariikhda Liverpool habeenkii xalay ahaa kadib markii uu noqday xidigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Liverpool kaliya isagoo jira 17-sano iyo 45 maalmood.

Xidigaan aadka loogu hanweyn yahay inuu noqon doono mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee Liverpool isagoo kaliya saftay kulankiisii ugu horeeyay ciyaartii ay Reds 2-0 kaga adkaadeen Sunderland sabtidii lasoo dhaafay, balse wuxuu gool dhaliyay ciyaartiisii labaad kulan ka tirsan Quater Finalka koobka EFL Cupka.

Shaqadiisa ayaa dhaxalsiisay inuu daqiiqadahii dambe ee ciyaarta dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee waayahiisa Liverpool wuxuuna ahaa goolkii labaad ee Liverpool taasoo dishay rajadii kooxda Leeds United xilli Reds ay u gudubtay Semi Finalka tartanka.

ben-1

Rikoorkaan waxaa horay u heystay halyeeygii h--e qaranka England Michael Owen kaas oo 1997 gool ka dhaliyay Wimbledon kulankiisii ugu horeeyay Reds.

Owen ayaa qudhiisa ugu hambalyeeyay Woodburn inuu jabiyay rikoorkiisa isagoo adeegsanaya baraha bulshada. “Rikoor kale oo aad iga jabisa!!! Hambalyo [Ben] inaad noqotay xidigii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Liverpool”

Shanta Xidig Ee U Dhaliyay Liverpool Iyagoo Da’yar Goolal:

1. Ben Woodburn 17 Sano 45 Maalin

2. Michael Owen 17 Sano 143 Maalin

3. Jordan Rossiter 17 Sano 183 Maalin

4. Raheem Sterling 17 Sano 317 Maalin

5. Jimmy Melia 18 Sano 46 Maalin

Like it? Share it!

Leave A Response