Bayern Munich Oo Soo Bandhigtay Maaliyadeeda Cusub Ee Xilli Ciyaareedka Soo Socda, Waana Naqshad Taariikhi Ah

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Bayern Munich ayaa daaha ka qaaday maaliyada koowaad ee ay ku ciyaari doonaan xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay dib ugu laabteen waayo hore.

Maaliyada waxaa la soo bandhigay saaka oo Khamiis aheyd, waxaana ay u qaab egtahay maaliyadii ay Bayern Munich ku ciyaari jirtay 70meeyadii.

Kooxda hanatay horyaalka Jarmalka ayaa warbixin ay warbaahinta u soo saartay waxa ay ku yiraahdeen: “Waa waayo rikoor koobabka horyaalka, kuwa maxaliga iyo caalamiga ahba aan uruursanay waxayna saldhig u noqdeen guulaha taariikhiga ah ee kooxda.”

Bayern ayaa maaliyadooda cusub ku ciyaari doonta markii ugu horeysay Sabtida kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka ee Allianz Arena ee ay la ciyaarayaan Freiburg.

Iyagoo u dabaaldegaya koobkoodii shanaad ee isku xiga ee Bundesliga, Bayern waxa ay macsaalameyn doontaa Xabi Alonso iyo Philipp Lahm kuwaasoo ciyaaraha ka fariisanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments