Bayer Leverkuson Oo Diyaar U Ah Iney Markale Man United Ku Sameysay “Nidaamkii Chicharito” Iyadoo Dooneysa Daafac

by Abdirahman Qoslaaye | Thursday, Dec 1, 2016

Daafaca kooxda Manchester United Marcos Rojo ayaa diirada u saaran kooxda ree jarmal ee Bayer Leverkusen kuwaas oo doonaya iney markale United ku celiyaan falkii caanka noqday ee Chicharito kaasoo ka baxsaday ciqaabtii ku heystay Old Trafford kana noqday kooxdaasi mid kamid ah weeraryahanada ugu dilaasan qaarada yurub.

Daafaca Argentine ayaana u muuqan mid laga jecel yahay kooxdiisa United inkastoo uu waayadii danbe dib isugu soo celiyay qorshaha Jose Mourinho kana ciyaaray daafac dhexe iyo daafac midig intii ay United heysatay dhibaatada daafac.

rojo

26 jirkaan ayaa United kaga soo biiray dhanka kooxda Sporting Lisbon lacag dhan £16 milyan oo pound sanadii 2014 waxayna kooxdiisa dooneysaa in lacagtaas loo celiyo hadiiba uu baxay ciyaariyahanka waxayna xagaagii heshiis la gaari waayeen kooxda Monaco si ay kaga iibiyaan xidigaan.

Dhaqanka garoonka banaankiisa ah ee xidigaan aya su’aalo laga keenay inkasto uu Jose Mourinho ku amaanay dadaalkiisa kadib markii uu xalay markale soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulanki ay guusha ka gaareen kooxda Westham.

Like it? Share it!

Leave A Response