Barcelona, Real Madrid, Inter Milan Iyo 20ka Kooxood Ee Yurub Ee Aan Abid Ka Dhicin Horyaalka Heerka Koowaad

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Marka la eego taariikhda, kaliya seddex kooxood oo kala ah Real Madrid, Barcelona iyo Athletic Bilbao ayaa dhamaan kulamadooda horyaalka waxa ay ka ciyaareen kaliya heerka koowaad.

Hadaba liiskaas kooxahee ayaa kula biiri kara seddexdaas kooxood ee reer Spain, waxaana baaris ay sameysay jariirada Isbaanishka ee AS ay ogaatay in 17 kooxood kale oo Yurub ka dhisan inay iyagana heystaan rikoorkaas oo ay waligood kaga ciyaarayeen horyaalka heerka koowaad.

Waxaa xusid mudan in liiskaas aysan ku jirin kooxaha inta ay u soo dalaceen horyaalka heerka koowaad aan weli u laaban heerarka hoose sida kooxda yar ee Isbaanishka ee Eibar kuwaasoo tan iyo markii ay u soo dalaceen La Liga aan muddo seddex xilli ciyaareed ah u laaban heerka labaad, laakiin waxa ay ka soo ciyaareen heerarka hoose.

20ka kooxood ee aan idiin soo gudbineyno ee ay AS soo bandhigtay waa kooxo waligood aan ka ciyaarin horyaalada heerarka hoose.

Marka laga soo tago seddexda kooxood ee Isbaanishka, ma aamineysaa in kaliya labo kooxood kale oo ka dhisan shanta horyaal ee ugu waa weyn inay ku jiraan liiskaan. Waxaana ay kala yihiin Inter Milan oo waligeed ka ciyaareysay horyaalka heerka koowaad ee Italy iyo Hamburg oo waligeed ka ciyaareysay horyaalka heerka koowaad ee Jarmalka. Waxaana ay taasi la micno tahay in liiskaan aan lagu arki doonin kooxo matalaya England ama France.

Dabcan, waxyaabo badan ayaa iska bedelay kubada, gaar ahaan kubada cagta Ingariiska tan iyo markii la sameeyay Premier League sannadii 1992kii. Laakiin marka dib loo eego horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ee loo aqoon jiray Division One ma jirto koox aan u dhicin heerarka hoose oo Ingariis ah. France iyadana waa la mid.

Kooxaha Yurub Ee Aan Waligood Ka Dhicin Heerka Koowaad:

SpainItalyGermanyPortugal
BarcelonaInter MilánHamburgPorto
Athletic BilbaoBenfica
Real MadridSporting
HollandGreeceTurkeyScotland
AjaxPAOKFenerbahçeAberdeen
PSVOlympiakosGalatasarayCeltic
FeyenoordPanathinaikosBesiktas
Utrecht

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments