Barcelona Oo Soo Gaadhay Magaalada Alicante Ka Hor Kulanka Copa Del Rey Ee Hércules CF Iyo Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Uu Enrique La Safray

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Kooxda Barcelona ayaa soo gaadhay magaalada  Alicante ee ka hor kulanka caawa ay la ciyaari doonto kooxda  Hércules CF iyada oo kooxda Enrique bilaabanaysa in ay difaacato kooxda Copa Del Rey oo ay ku soo guulaystay labadii sano ee ugu danbeeyay. Luis Enrique ayaa kulankan u magacaabay 16 ciyaartoy oo kaliya waxaana liiskan ku soo baxay difaaca dhaawaca ku maqnaa ee Samuel Umtiti kaas oo markale diyaar u ah in uu ciyaaro.

Laakiin waxaa liiska kooxda Barcelona ka maqan Lionel Messi, Luis Suarez, Neymar JR, Andres Iniesta, Sergio Busquets, Javier Mascherano, Jordi Alba, Gerard Pique, Ter Stegen iyo Ivan Rakitic taas oo la micno ah in Enrique uu kualnka  Hércules uu ciyaari doono shaxdiisa labaad.

Barcelona ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada Jérémy Mathieu kaas oo markale sii maqnaan doona muddo u dhexaysa 15 – 20 maalmood oo kale wuxuuna si rasmi ah u seegayaa kulanka El-Clasico-da. Goolhaye Jasper Cillessen ayaa shaxda Barca ku soo bilaaban doona iyada oo Enrique oo liiska kooxdiisa ku soo buuxsaday shan ciyaartoy oo Barca B ah oo kala ah Aleñá (28), Carbonell (30), Nili (31), Borja López (35) iyo Cardona (39).

Liiska Barcelona ee Kulanka Copa Del Reyga: Cillessen, Masip, Denis Suárez, Arda, Rafinha, Paco Alcácer, Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Umtiti, Aleñá (28), Carbonell (30), Nili (31), Borja López (35) and Cardona (39).

Like it? Share it!

Leave A Response