Barcelona Oo Mid Ka Mid Ah Kooxaheeda Gabdhaha Ka Diiwaangalisay Horyaalka Wiilasha

Agaasimayaasha kooxda Barcelona ayaa go’aansaday in mid ka mid ah kooxahooda gabdhaha da’da hoose ay ku daraan horyaalka wiilasha dhalinyarada, waxeyna noqotay sheeko xiiso badan walow aysan aheyn mid ku cusub dalka Spain.

Xeerarka xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ogolaaday goor hore in la isku dhex dari karo horyaalada ragga iyo dumarka, balse waa iney caruurtaas yahiin kuwa da’dooda ka hooseyso 12-jirada.\

Markel Zubizarreta oo ah isku duwaha kooxda kubadda Cagta Barceloan ee dhanka haweenka ayaa u sharraxay wargeyska El Pais la yiraahdo ee kasoo baxa Spain sababta ka dambeysay iney qaataan go’aan ay kooxda gabdhaha uga diiwaan galiyeen dhanka wiilasha.

Ujeedada ugu weyn oo ay maamulka Barcelona tallaabadaan u qaadeen waxey tahay in tartan la’aan ay ka jirto horyaalka gabdhaha oo aysan aad u xifaaltamin, sidaas darteed ay dhanka wiilasha kasoo baran karaan sida loo tartamo.

Si kastaba tartanka waxey ku bilowdeen gabdhaha si weyn waxeyna 13-0 ku garaaceen kooxda wiilasha ee Corbera.