Barcelona Oo Man United Ku Garaacaysa Saxiixa Antoine Griezmann Iyo Wada Xaajoodyo Horumar Laga Sameeyay Oo Dhex Maray Barca & Greizmann.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jan 9, 2018

Kadib markii ay Barcelona ka soo jeedsaday heshiiskii qaaliga ahaa ee ay kula soo wareegtay Philippe Coutinho waxay markiiba dardar galisay sidii ay Manchester United ugu garaaci lahayd saxiixa xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Kooxda Atletico Madrid ayaa bishii hore ka cadhootay in maamulka Barcelona ay kulan la qaateen qoyska iyo wakiilada Griezmann laakiin taas ayaan joojin in Barcelona ay wada xaajood la sii wado Antoine Greizmann kaas oo ay la yeelatay wada hadalo horumar laga sameeyay sida lagu sheegay Cadena SER.

Idaacada Spain ugu qadiimisan uguna dhegaysiga badan ee Cadena SER ayaa shaacisay in Barcelona ay xidiga ree France ee Griezmann ay la yeelatay wada hadalo horumar laga sameeyay isla markaana ay Balaugrana u soo bandhigtay heshiis shan sano ah.

Cadena SER ayaa sidoo kale sheegtay in Greizmann loo soo bandhigay mushaar 15 milyan euros ah oo uu sanadkii Camp Nou ka qaadan doono haddii uu dhamaystiro ku biiristiisa Barcelona. Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in dhamaadka xili ciyaareedkan ay la soo saxiixato Griezmann iyada oo waliba doonaysa in ay heshiis la sii gaadho xidiga ree France oo diyaar u ah in uu ka baxo Atletico Madrid.

Antoine Griezmann ayaa xagaagii la soo dhaafay doonayay in uu Manchester United ku biiro laakiin markii FIFA ay kooxdiisa Atletico Madrid ku soo rogtay ganaaxii dhinaca suuqa ahaa ayuu go’aansaday in uu sii joogo isaga oo markaas saxiixay qandaraas lagu burburin karo 200 milan euros.

Laakiin qodobka heshiiskiisa ku jira ee 200 milyan euroska ah ayaa ku dhamaanaya bishan January iyada oo suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan lagu iibsan karo 86 milyan euros. Manchester United ayaan wali ka quusan saxiixa Antoine Griezmann laakiin waxay hadda u muuqataa in Barcelona ay talaabo hore ugu qaaday in ay Mourinho iyo kooxdiisa ka hor qaado saxiixa xidigan.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. kaafishii 11-01-2018 at 3:10 pm -

    Pppppp soo dhaweeyn wacan Antoine griezman

  2. George 10-01-2018 at 6:06 pm -

    Hello