Barcelona Oo Lasoo Saxiixaneysa Daafaca Reer Colombia Yerry Mina Si Ay Isku Ilowsiiso Dhaawaca Umtiti & Suuragalnimada Bixitaanka Mascherano.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Dec 12, 2017

Barcelona ayaa quuldareyneysa iney lasoo saxiixato bisha January daafaca reer Colombia Yerry Mina kadib markii Javier Mascherano uu weydiistay inuu ka baxo kooxda bisha soo aadan, isagoo tabanaya inaan la siinin mudnaantii uu lahaa.

Balaugrana waxey heysataa dooqa koowaad ee 7.9 Malyan oo Pound, balse lama rajeynaayo iney la xaalaan lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa 23-jirkaan tan iyo xagaaga soo aadan.

Tababare Ernesto Valverde ayaa doonaya inuu xidigaan reer Colombia keeno garoonka Camp Nou, madama Mascherano uu codsaday in la iibiyo sidoo kalana Samuel Umititi uu garoomada seegi doono ilaa bartamaha January.

Adeerka xidigaan Jair Mina ayaa shaaca ka qaaday in Balaugrana ay dar-dar galineyso xaaladda xidigaan isagoo qiray inuu tagay dalka Brazil.

“Waxaan joogay Sao Paulo isbuucii hore, waxaan la hadlay maamulka Palmeiras, sidoo kale waxaan la xiriiray Barcelona. Runta waxey tahay marka la eego xaaladda, waxaan go’aansanay inaan sugno wax walba si loo hormariyo wadada ugu fiican”

Sidoo kale jair Mina wuxuu qiray iney dulqaadan doonaan isla markaana ay rajeyn doonaan in nasiibka uu sheegi doono wixii dhici doona.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Cabdalle cabdi 12-12-2017 at 4:28 pm -

    Waan hubaa inay Barca Ku guulaysantoon saxiixa xidigaan

  2. Mr true try 12-12-2017 at 3:02 pm -

    address during the day of GT Guthrie whether tjshfj gender theatricality you got it GGT why get it hg get the Gy fee see him assessed see session add the sender and DSS see DSS see SSS SSS see DSS of DDD did FCC deg