Barcelona Oo Kasii Fakartay Xidigaha Ay U Dhaqaaqi Doonto Hadii Ay Ku Fahilanto Helitaanka Hector Bellerin.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Barccelona ayaa rajeyneysa iney Arsenal kala soo saxiixato xagaagan daafacooda midig Hector Bellerin, balse waxey diyaarsatay laba dooq oo ay ku dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilmaan da’yarka reer Spain.

Dani Alves ayaa isaga tagay Barcelona, waxeyna u noqotay waqti murugo leh madama ay waayeen daafac midig oo ku haboon inkastoo Sergi Roberto uu hanaan wanaagsan yahay hadana wuxuu ku wanaagsan yahay doorarka dhexe.

Hector Bellerin oo kasoo qalin jabiyay La Masia ayaa si qurux badan uga soo hilaacay Gunners, wuxuuna noqday dooqa koowaad tan iyo markii uu 2011 yimid.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa aad u jecel wiilkaan, wuxuuna ku jiraa qorshahiisa hadiiba ay noqoto inuu kooxda usoo saaro Champions League xili ciyaareedka soo aadan, balse hadii ay noqon weyso lacago qaali ah ayuu ugu kici doonaa Barcelona.

Balaugrana waxey markaan dooqa labaad u heysataa Cesar Azpilicueta iyo Alvaro Ordiozola hadii ay ku fashilanto Bellerin.

Daafaca ugu hanaanka wanaagsan Chelsea iyo daafaca da’da yar ee kooxda Real Sociedad ayey dooneysaa kooxda Camp Nou ka dhisan iney ku xoojiso shaxdeeeda.

Dhanka kale warbixinada waxey sheegayaan in Barcelona ay ku adkaan doonto iney helaan Cesar madama uu heshiis ilaa 2020 kula jiro Chelsea, balse ay heli karaan Ordiozola kaas oo aan lagu iibin doonin qiimo ka yar 30 Malyan oo Euro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments