Barcelona Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ah Ka Soo Gaadhay Kooxda Real Socidad Oo Gool Kaga Hormartay Iyo Balaugrana Oo Afar Daqiiqado Dishay Sociedad.

Barcelona ayaa guul soo laabasho cajiib ah oo ay afar daqiiqo gudahood ku samaysay ka soo gaadhay kooxda dhibta badan ku haysa ee Real Sociedad. Inkasta oo ay Real Sociedad hogaanka ciyaarta haysay ilaa daqiiqadii 62 aad, haddana Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay 66 aad iyada oo waliba 2-1 hogaanka ku qabtay waxaana labada gool ee ay Barca guusha ku soo gaadhay dhaliyay Luis Suarez iyo Ousmane Dembele.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Jordi Alba; Sergi Roberto, Ivan Rakitic, Rafinha; Lionel Messi, Luis Suarez, Ousmane Dembele.

Kaydka: Sergio Busquets, Philippe Coutinho, Jasper Cillessen, Clement Lenglet, Munir El Haddadi, Arturo Vidal, Thomas Vermaelen.

REAL SOCIEDAD (4-3-1-2): Geronimo Rulli; Joseba Zaldua, Aritz Elustondo, Hector Moreno, Theo Hernandez; Asier Illarramendi, Igor Zubeldia, Ruben Pardo; David Zurutuza; Juanmi, Mike Oyarzabel.

Kaydka:  Mikel Merino, Miguel Angel Moya, Andoni Gorosabel, Kevin Rodrigues, Juan Bautista, Raul Navas, Luca Sangalli.

DAQIIQADII 12 AAD kooxda martida loo ahaa ee Real Sociedad ayaa sidii looga bartay waxay goolka furitaanka kaga hor martay Barcelona oo ay u soo qososho marka ay garoonkeeda ku soo dhawayso waxana goolka Valverde iyo kooxdiisa ka nixiyay u saxiixay Aritz Elustondo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Sociedad hogaanka kula wareegtay.

Barcelona ayay shaqo badan ku qaadatay in ay raadiso goolka barbaraha iyada oo Real Sociedad doonaysay in ay sidii ay sanado badan soo samaysay guul ka gaadho Barca balse wiilasha Valverde ayaa dadaal badan ku bixinayay in ay goolka barbaraha keensadaan.

DAQIIQADII 42 AAD Gerard Pique ayaa ku dooday in lagu galay qalad rekoodhe ah wuxuuna garsooruhu u baahday in uu la tashado shaqaalihiisa muuqaal caawiyaha garsoorka VAR waxaana ugu danbayn la go’aamiyay in aanu rekoodhe ahayn inkasta oo ciyaarta Barca ay si cad ugu doodeen in uu rekoodhe ahaa.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona awoodi wayday in ay soo laabasho ka samayso goolka ay Real Sociedad kaga hormartay waxaana lagu kala nastay 1-0 ay Barca guuldaro ugu taagnayd qaybtii hore.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad Valverde ayaa kaydka uga yeedhay Philippe Coutinho wuxuuna dumiyay difaaca midig maadaama oo ayna jirin wax uu ilaashado isaga oo saaray Nélson Semedo.

DAQIIQADII 63 AAD Barcelona ayaa ugu danbayn ciyaarta ku soo laabtay waxaana goolka muhiimada khaaska ah u lahaa u saxiixay Luis Suarez oo caawin ka helay Samuel Umtiti wuxuuna goolkani niyada u soo kiciyay ciyaartoyda Barca si ay kalsooni u helaan waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 66 AAD Barcelona ayaa si layaableh dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee 1-0 hogaanka looga hayay daqiiqadii 62 aad waxayna afar daqiiqo gudahood dhinaca kale ugu dhigtay ciyaarta iyada oo xidiga saamaynta badan la soo baxay ee Dembélé uu markan noqday xidiga jamaahiirta Barca kaga farxiyay goolka labaad waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Bara markeeda hogaaka kula wareegtay.

Barcelona ayaa heshay fursado ay ciyaarta kud dili kartay markii ay labada gool keensatay iyada oo Messi uu fursado fiican helay laakiin Sociedad oo markeeda raadinaysay in ay ugu yaraan hesho goolka labaad si ay hal dhibic u badbaadsato ayaa ku fashilantay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Barcelona guul soo laabasho cajiib ah ku soo gaadhay iyada oo afar daqiiqo gudahood ku heshay saddexda dhicbood ee dhinaca Real Sociead jiray. Waxayna kooxda Barcelona sii joogtaysay guulihii boqolkiiba boqolka ahaa ee ay xili ciyaareedkan ku bilaabtay.