Barcelona Oo Dalab Ka Gudbisay Kante, Chelsea Oo Dooneysa Higuain, Man United Oo Ku Laabatay Perisic & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa Kala Iibsiga ciyaartoyda ayaa furan, koox walbana waxaa u furan iney suuqa kasoo qaadato xiddiga ay dooneyso iyadoo u mareysa habka sharciga ah. Suuqa kala iibsiga sanadkaan waa lagu kala qeybsamay maadaama waqtiyo kala duwan uu furmay.

Horyaalka Premier League wuxuu furmay goor hore oo bisha June ah maadaama uu xirmi doono horaanta August, halka horyaalada kale uu u bilowday 1-da July wuxuuna xirmi doonaa maalinka ugu dambeysa August.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay qureen wargeysyada kubadda cagta kuwooda ugu caansan ee qaaradda yurub, masuul kama noqon doono xaqiiqda iyo dhabnimadooda maadaama aan u xaglin doono halka aan kasoo xiganay.


Maurizio Sarri iyo Jorginho oo 26-jir ah ayaa soo gaaray shalay oo jimco ah Stamford Bridge si ay u dhameystiraan labadooda ka mid noqoshada Chelsea. (Guardian)

Chelsea ayaa la filayaa iney maalmaha fasaxa (Sabti ama Axad) ku dhawaaqdo in Maurizio Sarri uu yahay macalinkooda cusub. 59-jirkaan ayaa saxiixay heshiis laba sano ah iyo 12-bilood oo dooq loo heysto in lagu kordhiyo. (Times)

Barcelona ayaa dalab dhan lacag kaash ah iyo Andre Gomes u gudbisay Chelsea iyadoo ka dooneysa 27-jirka reer France N’Golo Kante. (Sky Sports)

Chelsea ayaa wadahadal kula jirta Juventus iyadoo ka dooneysa 30-jirka reer Argentina Gonzalo Higuain, sidoo kalana waxey diyaar u tahay heshiis walba oo dhinaca kale u diri kara Alvaro Morata oo 25-jir ah. (Mail).

Tottenham Hotspur ayaa u muuqata iney weysay saxiixa 21-jirka Bordeaux Malcom, Inter Milan ayaa ugu cad-cad iney amaah ku qaadato. (Tmes)

Xiddiga Lazio Felipe Anderson oo 25-jir ah ayaa la rajeynayaa inuu u dhaqaaqo West Ham United maalmaha soo aadan, maadaama uu jimcadii maray tijaabada caafimaad. (London Evening News).

Paris Saint Germain ayaa bilaabeysa qorshe ay kaga hor imaaneyso dalabyada la filayo iney Real Madrid kasoo gudbiso xiddigooda reer Brazil Neymar Junior. (AS)

Manchester United ayaa mar kale isku dayeysa iney u dhaqaaqdo saxiixa Ivan Perisic oo 29-jir ah, Red Devils wadahadalo ayey la furaty Inter Milan si ay uga hesho xiddiga reer Croatia. (Paris United)

Daafaca Red Devils Matteo Darmian ayaa ku dhaw inuu dib ugu laabto talyaaniga kadib markii Inter Milan ay ka gudbisay dalab amaah ah 28-jirkaan. (Mirror)

1 Comment

  1. waxaan ahay taagerera kooxda kubada cagta man city waxaan sari uraheynayaa inuu Chelsea balooni qurxon baro

Comments are closed.