Barcelona Oo Camp Nou Ku Xasuuqday Man City, Lionel Messi Oo Kulankii Labaad Oo Xidhiidh Ah SADDEXLEY Dhaliyay, Claudio Bravo & Mathieu Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Guardiola Oo Markale Murugo Kula Kulmay Balaugrna

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo xaquuqday kooxda Pep Guardiola ee Manchester City kulan ka tirsanaa wareega saddexaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga. Barcelona ayaa 4:0 ku soo gumaaday Sky Blues iyada oo Lionel Messi uu kulankan saddexley ka dhaliyay halka Neymar JR uu goolka afraad raacsaday dhamaadkii kulankan. Sidoo kale Neymar ayaa iska lumiyay rekoodhe qaladkiisa Messi lagu galay.

barca1

Goolhaye Bravo ayaa murugo kula laabtay Camp Nou isaga oo kaadhka cas oo toos ah ku qaaday kubbad uu gacmaha ku celiyay isaga oo  xerada ganaaxa ka baxsan wuxuuna markii horeba qalad wayn ku lahaa in uu Luis Suarez kubabda iskugu dhiibay. Dhinaca kale Jeremy Mathieu ayaa isna kaadhka cas loo taagay markii uu Sterling qalad ku galay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Mascherano, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.

Kaydka:: Masip, Mathieu, Digne, Rafinha, Gomes, Arda, Alcacer.

Man City (4-2-3-1): Bravo; Zabaleta, Stones, Otamendi, Kolarov; Fernandinho, Gundogan; Sterling, Silva, Nolito; De Bruyne.

Kaydka: Caballero, Maffeo, Clichy, Fernando, Sane, Navas, Aguero.

Qaybtii h--e ee kulankan ayaa ahayd mid aad layskugu dhawaa isla markaana ay Manchester City si buuxda iskaga caabisay kooxda ay martida u ahayd ee Barcelona. Inkasta oo ay Barcelona ka faa’iidaysatay fursadihii ay heshay ayay kooxda Guardiola qaybtii h--e ee kulankan ay iska lumisay fursado cajiib ah oo ay ugu yaraan gool ama laba kula iman kartay.

DAQIIQADII 10 AAD Barcelona ayaa walwal xun la kulantay kadib markii uu dhawaac bawdada ahi soo gaadhay Jordi Alba oo kulankan uun ka soo laabtay dhaawac uu la maqnaa waxaana lagu soo badalay Lucas Digne. Alba oo kulankii Italy ee xulka qarankiisa Spain uu dhaawac ku soo gaadhay ayaa 10 daqiiqo oo kaliya Camp Nou ku jiray wuxuuna awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa heshay goolka ay sida wayn u raadinaysay waxaana Manchester City goolkan wadnaha ku gooyay xidiga ay sida wayn u ilaalinayeen ee Lionel Messi kaas oo kala dhantaalay goolhihii h--e ee Barcelona ee Claudio Bravo ka hor intii aanu kubbada shabaqa ku hubsan, wuxuuna Messi ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Balaugrana hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Mascherano ayaa si fiican taakal ugaga guulaystay dhinaca midig waxaana kubabda soo qaatay Lionel Messi kaas oo kubabda u bixiyay Iniesta oo xerada ganaaxa Man City ku jiray wuxuuna kabtanka Barca ee Iniesta uu kubbada ku joojiyay cidhib laakiin waxaa halkan ku ceeboobay Fernandinho oo istaaga ka dhacay wuxuuna hadiyad aan la arkin u qadimay Messi kaas oo intii uu Fernandinho dhulka yaalay kubbada sida uu doono ka yeelay. Goolkan ayaa culays ku abuuray Man City.

Halkan ka daawo goolkii Messi iyo qaabkii uu udhaliyay:

Manchester City ayaa bilawday in ay ka dagaalanto goolka looga hormaray laakiin Barcelona ayaa iyaduna doonaysay in ay hesho goolkeeda labaad si ay Manchester City u aamusiiso waxayna ciyaartu noqotay mid adag isla markaana ay labada kooxoodba si wayn u raadinayeen goolal ay ciyaarta ka dhaliyaan.

DAQIIQADII 28 AAD walalka difaaca ee Barcelona ayaa laba jibaarmay kadib markii uu David Silva qalad ku galay Gerard Pique isla markaana uu dhaawac soo gaadhay. Pique ayaa isku dayay in uu ciyaarta sii wato iyada oo Enrique uu Mathieu u sheegay in uu iskululeeyo.

Pique ayaa xanuun muddo ku ciyaarayay waxaana ugu danbayn ciyaarta badal looga saaray daqiiqadii 39 aad waxaana lagu soo badalay Jérémy Mathieu. Enrique ayay kooxdiisa qaybtii h--e soo gaadhay laba dhaawac iyada oo Pique iyo Alba ay dhaawacyo garoonka ugu baxeen.

DAQIIQADII 38 AAD Manchester City ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolkeeda barabraha kadib markii uu si cajiib ah difaaca Barcelona u kala dhantaalay  Gundogan kaas oo darbo qurux badan ku tuuray goolka Barca laakiin goolhayaha ay isku ree Germany yihiin ee Ter Stegen ayaa jawaab celin layaableh sameeyay wuxuuna dirqi iskaga saaray darbada  Gundogan.

Nolito iyo John Stones ayaa laba fursadood oo qurux badan helay laakiin dhamaystir xumada weerarka Manchester City ayaa fursad siisay Barcelona ay hogaanka ku sii haysan kartay. Laakiin Guardiola ayaa ku faraxsanaa qaab ciyaareedka fiican ee ay kooxdiisu Camp Nou ku soo bandhigtay. Qaybtii h--e ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta labada kooxood ayaa soo galay garoonka iyada oo aan wax isbadal ah la soo samayn, waxayna Barcelona markan bilaabatay iyada oo dardar cusub la soo baxday halka Manchester City ay dadaalkeeda siiwadatay.

DAQIIQADII 53 AAD KAADHKA CAS OO TOOS AH!.  Goolhaye Cluadio Bravo ayaa kooxdiisa Manchester City ku abuuray musiibo ayna filayn kadib markii uu kubbad iskugu dhiibay Luis Suarez isla markaana uu si doqoniimo iskugu dayay in uu kubbad goolkiisa uu Suarez ku darbeeyay uu badbaadiyo isaga oo waliba ka baxsanaa xerada ganaaxa kooxdiisa ee loogu ogol yahay in uu kubbada gacanta ku taaban karo.

Garsooraha ayaan haysan wax kala doorasho ah maadaama uu Bravo si badheedh ah uu kubbada gacmaha ugu celiyay isaga oo xerada ganaaxa ka baxsan, wuxuuna isla markiiba soo saaray kaadhka cas oo toos ah. Manchester City ay lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy iyada oo waliba gool lagu lahaa.Bravo ayay soo laabashadiisii ugu horaysay ee Camp Nou murugo wayn u noqotay.

DAQIIQADII 61 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Markale Lionel Messi ayaa kala dhantaalay difaaca Manchester City isaga oo kooxdiisa Barcelona u keenay goolkeeda labaad kadib markii uu kubbad ka soo qaatay Andres Iniesta isla markaana uu waxa uu Messi darbo qurux badan uu ku dhaliyay goolkiisa labaad isaga oo goolhayaha ay isku Argentina yihiin ee  Caballero goolkan ku soo dhaweeyay waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Barca hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 63 AAD Manchester City ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda furitaanka kadib markii uu Kevin De Bruyne kubbad qurux badan ka helay Gundogan laakiin darbo xoogan oo uu De Bruyne ku tuuray goolka Barca ayuu goolhaye  Marc-Andre ter Stegen si fiican iskaga joojiyay waxayna ahayd fursad aad u halis badnayd.

DAQIIQADII 69 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! SADDEXLEY!  Lionel Andrés Messi ayaa markan dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay waxaana goolkan Barcelona u sahlay  Gundogan oo kubbad dib ugu furtay John Stones laakiin kubbada ayaa iska dhaaftay xidiga ree England waxaana hadiyadan ka faa’iidaystay Luis Suarez oo markale cadeeyay sida aanu u ahayn danayste wuxuuna kubabda goolka City u hor dhigay Lionel Messi oo farsamadiisa ku seexiyay  Caballero, waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Barca hogaanka ku sii dheeraysatay.

DAQIIQADII 72 AAD markale goolhaye Ter Stegen ayaa fursad cajiib ah ka badbaadiyay Manchester City kadib markii uu kubbad laaga xorta ah uu si fiican u soo tuuray Kolarov laakiin kubbada goolka Barca hortaalay ayay difaacu dirqi iskaga saareen.

DAQIIQADII 73 AAD KAADHKA CAS! Barcelona ayaa markeeda la kulantay ciqaabta kaadhka cas kadib markii uu Jérémy Mathieu sameeyay qalad doqoniimo cadaan ah isaga oo waliba haystay kaadhka digniinta ah wuxuuna qalad badheedh ah ku galay Raheem Sterling oo kubbad weerar deg deg ah la soo baxsaday waxaana la siiyay dhaadka labaad ee digniinta ah oo loo raaciyay kaadhka cas. Barca ayaa markeeda 10 ciyaartoy lagu soo yareeyay.

DAQIIQADII 82 Barcelona ayaa ugu dhawaatay goolkeeda afraad kadib markii uu Neymar kubbad qurux badan uu ku qabtay goolka City laakiin goolhaye Caballero ayaa lugihiisa dirqi iskaga badbaadiyay. Ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad badan isla markaana ay labada kooxoodba ay fursado badan abuurayeen.

DAQIIQADII 85 AAD REKOODHE! Lionel Messi ayaa markale saamayntiisa la soo baxay isaga oo dariiq ka dhigtay difaaca Manchester City laakiin Aleksandar Kolarov ayaa qalad ku galay Messi oo doonayay inuu dhaliyo goolkiisa afraad taas oo keentay in rekoodhe lagu dhigo Man City.

DAQIIQADII 86 AAD Neymar JR ayaa kubbada qaatay iyada oo Lionel Messi uu saaxiibkii u dhaafay halkii uu goolka afraad ka raadin lahaa laakiin xidiga ree Brazil ayaa iska lumiyay fursadan rekoodhaha waxaana goolkan Man City ka badbaadiyay Caballero.

DAQIIQADII 87 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Neymar JR ayaa markiiba qaladkiisa dib u saxay wuxuuna kooxdiisa udhaliyay goolkeeda afraad isaga oo kubabda xerada ganaaxa City kaga helay Messsi  laakiin Neymar ayaa difaaca City kala dhantaalay ka hor intii aanu Caballero kubbada hoos marin waxayna ciyaartu noqotay 4:0 ay Barca ku xaaqayso Man City.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay Barcelona ku gumaaday kooxda Pep Guardiola ee Manchester City oo kulankan fursado badan iska lumisay laakiin Lionel Messi ayaa markale aduunka tusay sida uu u jecel yahay inuu ugaadhsado kooxaha ree England wuxuuna kulankii labaad oo xidhiidh ay uu Champions Leaque-ga ka dhaliyay saddexley isaga oo h--e kooxda Celtic sidan oo kale saddexley uga dhaliyay.

Like it? Share it!

25 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. commentator:hassan honest 21-10-2016 at 6:55 pm - Reply

    run ahaan tii ciyaartu waxay ku bilaabmatay qaab aan lafilahayn waxa la rajaynayey man city oo difaac iyo barcelona oo weer aan kala joog silahayn ku haysa goolka man city.
    lkn man city ayaaba weerar ku haysay barcelona
    sibiibixiisho ku timid fernando kaasi dhulka uu ku dhucay ayuu messi ku ciqaabay man city una dhaliyey goolkii 1aad barcelona.
    laga soo bilaabo daqiiqado 53 barcelona wax fursad oo ay abuurtay may jirin marka laga yimaado dhicitnka fernando ee messi goolka ku dhaliyey lkn man cityvwaxay fursado badan oogool loo fishay lkn ay iska khasariyeen Laga soo bilaabo daqiiqada 53 inesa ayaa booskii debryne soo jabsaday kubad rogaal celisna ku abuuray fursad cajiib ah kasoo kubad uu isku dhiibay baravo suarez shabaqa toogty baravo oo tagan meel kabax san xerda ganaaxana uu gacanta ku difaacay abaal keeduna ahaa casaan bravo ayaa kaadhka cas loo taagay kadib ciyaartu weji kale ayey yelatay.kaadhka cas ayaa ciyaarta dilay waana qeexitaanka ugu fiican ee ciyaartani lahayd hadii aad warkale ku qeexdid waa mala awaal ayaan amin sanay ama taaageri ninmo ama aqoon daro.

  2. shumaakh 20-10-2016 at 11:42 am - Reply

    waxan layaaba kuwa markay ciyaartu soo dhawday ku odhanaya Barcelona waan garacaynaa markay dhamatana ku meeraysta hebalba maqaanaayo sidan banu ahayno coach ka xumaayo dufaacbaa liico waar meeshu waa messi iyo baaabah sannadkan lama arki doono casha dheer viva viva messi

  3. caydaro 20-10-2016 at 11:38 am - Reply

    hampalyo hampalyo lkn baaldiyada barca wxn ushegayaa ha isqadanina yaryar ba kabadisene groupka A iskaga so waa garanaysan libaaxyada jabhada athletico madrid ee uhoreeyo antoine crezmann hhhhh viva athletico madrid ya idiin Marya difacayaga xadiidka kolorov stones iyo ciyal ba kuwareegalaysanaysan sidi sandki h--e aya oyaysan ya idin dhafi Godin filipe tiago iyo xaariska adunka e jan oblak hhhh viva athletico madrd

  4. Sawaaj baldar 20-10-2016 at 9:29 am - Reply

    Fadlan sawirada hablaha qawan naga qaada waa qaybta sare

  5. naymar jr 20-10-2016 at 9:19 am - Reply

    kkkkkkkllklkllklkhhhhhhhhh waaaan ladhacay xasuuqa waaarhakudaalina messi cidqabanaysaa majirte kkkklllllll barca guuul

  6. laki 20-10-2016 at 1:28 am - Reply

    Calaa cal ayaa bilaawdiin horba tabao minoow wax taraayo waakan marka noo Calaa cal

  7. shacayb 20-10-2016 at 1:22 am - Reply

    Jjjjjjjjjj waaan eegaayay zasuuqaaa kudhacay city waayo ruug cadaa messi intuu barca jogo haka yaabin guuldaro lkn sanadka waaa sand kiisii 6 lixaad Ku tamilo qaado 3gool cawa waaa fariiin uuu udiraayayo koxaa kale iyo cida lasafta ee kudayata magaadhee barca markastaa waadiyaar iny sabdaka Ku guly sato championka kaquudta jaquudarayn reyal

  8. Qusolka daa 20-10-2016 at 1:02 am - Reply

    Adv wr wp salaam ka dib ciyaarta daawashey laheed 1 waxaa dilay garsoraha oo qalad cad oo rigoore eh u diiday man city qaybti h--e kubad xerada barca oo difaac gacanta isaga bixi uma dhigin rigoore man city 2 pep Waxman ku qaldanaa badalka David silva oo daalan iyo nolito oo ka dhacsanaa ayuu garoonka ku heystay iyo kalorof oo Damiin aw safaa

  9. Farah 20-10-2016 at 12:52 am - Reply

    Kkkkkk yaxye ku raaxayso waxa dhacayo macalinkii iyo ciyaalkii uu isku mahdiyey ulaha ku dhacay caawa waan hubaa hadaad joogi lahayd tan i eeysan dhacdeen markii farnaadiho lagu rafiyey lana kor maray golkibahana la waray ayuu kusoo xasuustay oo kaa dhex fiiriyey markuu ka waayeyna bidaarta xoqxoqday ku raaxayso haduu kuu yero intaan la gaarin next champion lega danbe waan waan ayuu ku qasban yahay haye inta dhahdid misi 5leey ha dhaliyo ku baashal isagana tag markuu dhamado sisanka YAHYAAA XAQIIIQ CAWA INUU KU TABAY

  10. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 20-10-2016 at 12:51 am - Reply

    Sidaan.horebe.usheegey.in.barcelona 4–0 kubadineyso.ciyaarto.waxbadan.kaharsanyihiin.ayaa.4-0 inbace kubadineyso.sheegey markaa.waxwalba.inay.sidii.loogutalagaleen.udhaceen.ayaan iidshegayaa M.S.N ayaa.city kalagoostey.waxaa.goolasha 3kamid.ah.dhliyey.mucjisada.aduunka. messi goolka.kalna.Neymar.baadhaliyey markaa.barce.way.usoo.qososhaa.city

  11. muscab 20-10-2016 at 12:47 am - Reply

    Jkkkkkkkkkkkjjjjjjjj hhhhhhhh aar xasuuuqaa hhhhhhh ciyaartii afraad oo guul la aan ah wwlee way u bilaabanty horena ciyaartii celtic ayaan u sheegay eraygaas mar hdii koox kacdan hal ciyaar la qabto way isku xaaraysaa wxii la danbeeya kkkk wcn h--e usoo arky sanadkan real madrid bayer munchen iyo man united hhhhhhh bye bye man shalay horyaalkana isbuuca danbe ayaa laga wareegayaa hogaanka hhhhh

  12. yusuf 20-10-2016 at 12:43 am - Reply

    barcelona iyo man city waa labada kooxood een taageero
    runtii ciyaar macaan bay ahayd lkn markii bracovo casaanka qaatay ayay ciyaartu isbadashay

    man city fursado badan ayay abuurtay lkn gool uma noqon goal kii h--e ee messi fernandhino ayaa sibxaday 3 da kalana qaladaad ayay ku lahaayeen man city. anay way viva barca and man city guul baan u rajaynaya man city kulanka danbe si ay labadooduba ugu soo baxaan wareega 16 ka. hambalyo taageerayaasha fc barcelona

  13. DIDI 20-10-2016 at 12:34 am - Reply

    hambalyo barca city wey dheshay half kii h--e
    walibana city ayaa fursad badned lakin carka gadudka
    ayaa ciyaarta dilay mida ogada city wali dhisme ayaa
    ku socdo viva pep waanla qabsan doonaa tatigada

  14. boodhle yare 20-10-2016 at 12:22 am - Reply

    Lakiin guuldarada sogartay city dan
    ayaaa oogujirta becouse city hadey
    sogadaneysaa players badan walahi
    waa run midaasi city difaac malahan iyo
    striker malahan
    Waa inoo january iyo suuqa insha allaah
    city waxay ubahantahay left back iyo right back
    Iyo centre back iyo strike only wana qasab
    inuu guardiola keeno january
    Aubmeyang oo strike left back Divid alaba iyo right back
    Ricardo Rodrigues iyo centre back oo ah leonardo bunocc intaasba
    wa inan helnaa january gabriel jusas xagagi h--e angadanay
    wa inankenaa january kolarov out zabaleta out cichy out all
    january halaiskadiro wawasi oo dhan

  15. Queen 20-10-2016 at 12:10 am - Reply

    hanbalyo dhaman rer barcelona iyo messi man city wa koox yar marka ay aragto naadi wayn wa ay xishoodan cwa 6-0 ina u dhibtaan ba ficnayd bila khibrad awalba wa oga waxay yihiin bravo inu na ceebeyo wa ku talagaly sorry ina wakhtigayga siyo xasuuqu haku socdo markay koox wayn arkan

  16. xandal Jr 20-10-2016 at 12:06 am - Reply

    klkkkkkkkkkkkkkkkkkklkkk madhihi karna city gurigeda ay guul kugari dopants???????
    mida kale messi waa mucjisada aduuunka wax walba kafilo kulanka sooo socda barca 3:1 city

  17. nadra yusuf 20-10-2016 at 12:06 am - Reply

    Umadeena maaha
    Dhagahaan ka taagy messi
    Sanadkan wax kale ma celiyaaan
    Aan ahayn 6cups+ballon di’or
    Caasha luga cheer yaa caawa u seexanaya
    Futadaaa wikhda hayseeee
    Lipaaaxi soo rogaal celi
    Visca barca MNS

  18. ZLATAN IBRAHIMOVIC 20-10-2016 at 12:04 am - Reply

    Man shalay sooo barbaara

  19. aduunyo 20-10-2016 at 12:02 am - Reply

    ninka dhacay yaa waaye intuusan

    goolka koowaad dhalinin messi

  20. ????? 20-10-2016 at 12:01 am - Reply

    Leo kapaha championka 20 buu kuqaadaya zanadaaan kanaxoow neefta waaa

  21. boodhle yare 20-10-2016 at 12:01 am - Reply

    Next january waxan keyneynaa
    leonel messe etihad carabki lahaa ayaa
    yirisidaa kkkkkkk

  22. ctln 19-10-2016 at 11:59 pm - Reply

    www wonder wxaaza imara inuuu hatrick messi dhalinayo xalyban kuseexday

  23. MARKAAWI MAN CITY 19-10-2016 at 11:58 pm - Reply

    Divas can city waabi tacbaan xee
    Kombany joogo lagama dealing stone rabash

  24. Shabeel 19-10-2016 at 11:58 pm - Reply

    hahahaha mesha FA cup ma la dhelyey waba yabee . messi waxa ka xanjiyey hadalkii bidar dhere e aha de burne waa messi o kale maxa ka racay hattrick

  25. MARKAAWI MAN CITY 19-10-2016 at 11:54 pm - Reply

    Waa suaal aguero way benching loo geliyay
    Guardiola ku talagal ku kacay ileen
    Aguero.silva.de Brunner. Isxeleen
    Bebington Guardiola baa ka badiywy city
    Viva city etihaad a an sugno

Leave A Response