Barcelona Oo Ay Kaliya Seddex Kulan Oo Kama Danbeys Ah Ka Xigto Inay Xaqiijistaan Hanashada Horyaalka Ka Hor Dhamaadka Sannadkan

by Saed Balaleti | Monday, Nov 20, 2017

Xitaa taageerayaal badan oo Barcelona ah kuma riyooneynin inay arkayaan kooxda Catalans oo waqtigaan oo kale xilli ciyaareedka toban dhibcood ka sareysa Real Madrid, laakiin xaqiiqda waxa ay tahay in kooxda horyaalka hogaamineysa inay xaqiijisan karaan hanashada horyaalka ka hor inta aan loo bixin fasaxa qaboobaha Yurub.

Ka dib guuldaradii Supercopa de Espana ka soo gaartay Real Madrid, waxa ay u muuqatay in bixitaanka Neymar ay uga sii dari doonto kooxda, laakiin taas bedelkeeda ayaa dhacday.

Barcelona waxa ay kulanka soo socda u safreysaa Juventus koobka Champions League, laakiin waxa ku soo socda seddex kulan oo u noqonaya kulamo kama danbeys ah oo kale oo ay u safrayaan kooxo waa weyn ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan 2017.

Marka ugu horeysa waxa ay u safrayaan Valencia isbuuca soo socda iyagoo marti ku noqonaya garoonka Estadio Mestalla, kooxda Los Che waxa ay afar dhibcood ka danbeysaa kooxda hogaanka heysa ee Blaugrana, waxaana ay xilli ciyaareedkan ku jiraan qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Barcelona waxaa sidoo kale ku soo socda kulan kale oo adag oo ay u safrayaan garoonka Estadio de la Ceramica iyagoo marti u noqon doona kooxda Villarreal oo ka mid ah kooxaha dhibka badan ee horyaalka La Liga.

Ugu danbeyn waxa ay sannadkan 2017 ku soo qatimayaan garoonka Santiago Bernabeu iyagoo kulankii ugu horeysay ee El Clasico ee xilli ciyaareedka marti u noqonaya kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Haddii ay seddexdaas kulan ee muhimka ah badiyaan waxa ay hubanti ka dhigi kartaa in tababare Ernesto Valverde inuu armaajada sii gashto koobka horyaalka, haddii koox walba ay soo badiso ilaa iyo laga soo gaarayo kulanka El Clasico, Barcelona waxa ay 13 dhibcood ka sareyn doontaa Real Madrid madaama Los Blancos ay hal kulan oo La Liga u harsanaan doonto iyagoo ka qeybgalaya Club World Cup.

Waxaana ay taasi ka dhigi doontaa in kooxda Marcelino ee Valencia inay noqon doonto kooxda ugu soo dhow ee la tartanta Barcelona iyadoo aysan laheyn kulamo Yurub ah oo ay ku mashquulaan, laakiin rajada Valencia waxa ay ku xiran tahay inay natiijo fiican ka helaan Barcelona kulanka soo socda ee La Liga.

Maqaalkaan waxaa lagu daabacay shabakada jariirada Marca waxaana idiin tarjuntay laacib.net