Barcelona Oo Arsenal U Soo Bandhigaysa Saxiixa Rafinha Alcantara Si Ay Badalkiisa Camp Nou Dib Ugu Soo Celiso Hector Bellerin.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jun 19, 2017

Kooxda Barcelona ayaa diyaarsatay qorshihii ay ku heli lahayd saxiixa difaaceedii hore ee xarunteeda da’yarta ka soo baxay ee Hector Bellerin waxayna u muuqataa in ay saxiixiisa aad ugaga dhawdahay sidii ay maalmo yar ka hor ahayd waxayna Balaugrana doonaysaa in Arsenal ay isdhaafsadaan Bellerin iyo Rafinha.

Wargayska Marca ayaa sheegay in Barcelona ay doonayso sidii Rafinha Alcantara uu ugu biiri lahaa Arsenal isla markaana taas badalkeeda ay Arsenal ka heli doonaan Hector Bellerin.

Rafinha Alcantara ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday door fiican ku lahaa Barcelona balse muu helin waqtigii uu doonayay waxayna sidoo kale Barcelona doonaysaa in ay suuqa xagaagan uga faa’iidaysato.

Iyada oo Barcelona doonaysa in ay dib u qaabayn ku samayso safka kooxdeeda ee uu Luis Enrique ka baxay si koox xoogan loogu diyaariyo Valverde ayuu Rafinha Alcantara ka mid yahay xidigaha Camp Nou ka baxaya isla markaana lagu qiimeeyay 30 milyan oo euros wuxuuna xidiga ree Brazil uu badal u noqon karaa Bellerin oo laga doonayo qorshaha cusub ee Camp Nou.

Arsene Wenger ayaa xiisayn kara qorshaha Barcelona ugu soo gacan galinayso 24 jirkan ree Brazil ee Rafinha Alcantara iyada oo taas badalkeeda ay Barcelona ku heli karto bartilmaameedka difaaca midig ee Bellerin kaas oo ilaa doonaya in uu Barcelona ku laabto.

Barcelona ayaa waqti dheer doonaysay sidii ay Hector Bellerin dib ugu soo celin lahayd kooxdeeda balse qorshaha cusub ee isku badalashada Rafinha Alcantara iyo Bellerin ayaa sabab u noqon kara in xidiga ree Spain uu xili ciyaareedka cusub ka soo muuqdo Camp Nou.

Bellerin ayaa dhawaan sheegay in ay wax adag ku noqon doonto in uu ka maqnaado Champions Leaque-ga maadaama oo ay kooxdiisa Gunners ka maqan tahay oo ay Europa Leaque-ga ka ciyaari doonto waana sabab kale oo dhiiro galinaysa Barcelona.