Barcelona Iyo Xiddigeheeda Oo Dhaqaale Xooggan Ka Helay Safarkii South Afrika

by Jaalle | Thursday, May 17, 2018

Safarkii Barcelona ee Johannesburg ee ay kula ciyaartay Mamelodi Sundowns  waxa uu la yaab ku noqday dad badan, walow ay dhaqaale badan ku heleen  iyada iyo ciyaaryahanadeeda.

Walow ol’olaha la oran karo wuu   u dhammaaday Blaugrana, laakiin waqtiga laga maqnaa qoysaska, daalka dheeriga ah iyo halis dhaawacyo ee koobka aduunka kahor ayaa ka dhigan in halkaas dhaqaale xoog leh safka ugu jiro.

Waxaa la hubaa in dhaqaale ku jiray marka la eego in ciyaaryahan heleen 1.5 million euro ka soo muuqashaddii kulankii 3-1 ku soo dhammaaday, waxaa qeyb saday xiddigiihii u safray South Africa.

Barcelona, koox ahaan waxa ay u heshay 3m euro.

Barcelona markii ay soo laabatay, durba waxa ay bilowday xalqadeheedii tababarka ee caadiga ahaa khamiistii, jimcaha fasax ay heli doonaan kahor inta aysan Real Sociedad la dheelin kulankooda ugu dambeeya ee La Liga.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. maxamuud maxamed 18-05-2018 at 8:07 am -

    ma hurdaa kasoo kacday horta warbixinta akhri
    chelsea lagama hadlin ee waa barca
    koobna lama hadal qaadin ee waa safar
    kkkkkkkkkkkkk u fiirso saaxiib qoraalka

  2. Asad cali guray 17-05-2018 at 9:04 pm -

    Kkkkkk chelsea maxay qaaday kkkkkk
    Guuldarada aabeheed ayay noqotay

  3. Mohamoud Mohamed 17-05-2018 at 8:45 pm -

    Chelsea championkii ma qaaday