Bandhigii Neymar Ee Koobka Adduunka & Xiriirka Kala Dhaxeeya Xarfaha Luqadda Ingiriiska – Sawir Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Hogaamiyaha Brazil.

Wali lagama harin mana laga deyn in la xanuujiyo xiddiga la fahamsan yahay inuu ugu sarreeyo xulka Brazil Neymar Jr tan iyo markii ay kasoo hareen koobka Adduunka, waxaana lasoo bandhigay sawiro laga sameeyay ficiladii uu tartanka ka sameeyay oo la xarfeeyay.

Neymar Junior wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda loogu beesiga badnaa, qof walbana uu aad u bartilmaameedsanayay si uu kaga badbaado qatartiisa, mar walba oo la taabto wuxuu sameynayay jillin ay dadka qaarkood ku dhaleeceeyeen.

Xiddiga Paris Saint Germain wuxuu dhulka ku dhacay in ka badan ciyaartoy walba, sidaas darteed waxaa laga sameeyay dhicitaankiisii sawir buuxa oo soo koobaya xarfaha luqadda Ingiriiska, waana mid aad u maad badan.

Baraha bulshada ayuu aad u qabsaday sawirkaan, waana sheeko xiiso badan oo qof walba uu ka fikir dhiibtay, waxeyna kusoo aadeysaa xilli dadka reer Brazil qaarkiis ay xiddigaan kaga careysan yahiin habka uu koobka Adduunka kaga soo muuqday.

Mid ka mid ah dadka fikirka ka dhiibtay wuxuu yiri: “Dhab ahaantii waa cajiib, waan arkay dhamaan ficiladaan isagoo ameynaya” sida lagu qoray The Sun.

Sidoo kale warbaahinta ugu waaweyn yurub ayaa baahiyay sawirkaan sheekada gaarka ah xambaarsan ee lagu soo bandhigay habkii Neymar ee koobka Adduunak.