Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka


Abdirashid Mohamud "SHarDinHO"

This user hasn't shared any profile information

Juventus ayaa gurigeeda kula ciyaareys SS Lazio iyadoo og iney kaliya hal dhibic ka sareyso AS Roma oo ah kooxda kaalinta labaad sidoo kalana Juve waxey gacanta ku heysataa kulan u baaqi ah inkastoo natiijada kulankaan laga ogaan doono xaalka horyaalka. Juan Cuadrado ayaa kusoo laabtay safka h--e Juventus wuxuuna ka mid noqon doonaa Shanta daafac, sidoo kalana Higuain...

Daafaca midig ee kooxda Tottenham Hotspur Kyle Walker ayaa si cad u qirtay inuu nasiib ku lahaa inuu ka badbaado ciqaab iyo in kooxdiisa laga dhigo rigoore markii uu dhabarka ka riixay garabka Manchester City Raheem Sterling. Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaa barbaro 2-2 ah ku kala baxay kulankii xalay ka dhacay Etihad Stadium iyadoo macalinka reer Spain uu tabanayo...

Barcelona ayaa kalsooni ku qabta in xidigooda reer Croatia Ivan Rakitic uu qandaraaska u kordhin doono inkastoo uu xiiso ba’an ka helayo kooxaha horyaalka ingiriiska gaar ahaan Manchester City Iyo Manchester United. Ivan qandaraaska uu kula jiro Barcelona wuxuu dhacayaa 2019, balse muran badan ayaa dhashay markii si xiriir ah looga reebay kooxda Barca ee bishii Decemer...

Halyeeygii horre qaranka Holland Ruud Gullit ayaa digniin culus usoo jeediyay wiilka ugu qaalisan kubadda cagta waqtigaan Paul Pogba isagoo dareensan in xidigaan uu ku socdo wadadii mugdiga aheyd oo uu qaaday Memphis Depay. Gullit ayaa ka cabsi qaba in xidigaan heerk caalami ee reer France kaas oo 89 Malyan Oo Pound ugu soo biiray Man United uu sameeyo qalad weyn oo ku...

Gooldhaliyaha ugu sareeya Manchester United Wayne Rooney kaas oo 31-jir ah ayaa la rajeynayaa inuu dalab 1 Malyan isbuucii ah ka helo horyaalka Shiinaha. (The Sun). Real Madrid ayaa diyaar u ah iney soo rogaal celiso xiisahii ay qabtay da’yarka Tottenham Hotspur Dele Alli kaas oo 20-jir ah marka la gaaro xagaagan. (Express). West Ham ayaa qorsheyneysa iney heshiis...

Waxey aheyd kubad qatarteeda leh, Marco Verratti ayaa lagu abaalmariyay kaarka jaalaha kadib markii uu madax layaab leh kubad ugu baasay goolhayaha Paris Saint Germain Kevin Trapp. Daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta ayey aheyd markii uu ficilkaan sameeyay iyadoo PSG ay marti u tahay kooxda nantes, wiilkaan reer talyaani ayaana diilinta horteeda ku sameeyay wax lama filaan ah,...

Xulka qaranka Gabon ayaa u baahan guul si ay u tiigsadaan wareeg xiga ee African Cup of Nation, muhiimadda ugu weyn ee ay guushaas u leedahay ayaana ah iney ka farxin karaan dadkooda madama ay yahiin xulka martigalinaya tartanka. Gabon wax guuldaro ah lama kulmin tan iyo bilowga tartanka madama ay 2-barbaro la galeen Burkino Faso iyo Guinea-Bissau, balse caawa Cameroon...

Guinea-Bissau iyo Burkino Faso ayaa ciyaaraya kulankoodii ugu dambeeyay wareega group-yada African Cup of Nation iyadoo labada xulba ay rajo ka qabana iney usoo baxaan wareega Quarter Finalka tartanka. Burkino Faso wax guuldaro ah lama kulmin labadii kulan ee ay ciyaartay madama ay barbaro la gashay xulalka Gabon iyo Cameroon.Burkino Faso waxey u baahan tahay guul si...

Barcelona ayaa dooneysa iney soo yareyso farqiga dhibcaha ee ay ka sareyso Real Madrid oo guul weyn gaartay kulankii shalayto ay la ciyaartay Malaga, Bulgarana haatan waxey ka hooseysaa Los Blancos 5-dhibcood iyadoo fadhisa booska 3-aad madama ay ka sareyso Sevilla oo iyana  4-dhibci u jirta hogaankabalse maanta ciyaareysa. Luis Enrique kooxdiisa wey soo yareyn karaan...

Chelsea waxey caawa diyaar u tahay iney si walba adkeysato hogaanka horyaalka iyadoo fursad u heysata iney kordhiso dhibcaha ay hogaanka kaga heysay Spurs, walow ay macquul tahay iney booska labaad timaado Gunners oo kulankooda ka hor la ciyaaraya Burnley. Si kastaba Guul ay gaaraan wiilasha Antonio Conte waxey ka saacidi kartaa iney 9 ama 8 dhibcood midkood hogaanka ku...

Arsenal ayaa qarka u saaran iney ka baxdo booska 4-aad, waxeyna jaanis fiican u heystaan galabta iney tiigsadaan booska labaad ee horyaalka iyagoo shan dhibcood oo qura u jirsan doona Chelsea oo daqiiqado kadib kulankooda soo dhaweyn doonta Hull City. Gunners fursad fiican ayey caawa heystaan oo ay uga dhabeyn karaan sida ay uga go’antahay iney u tartamaan horyaalka...

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan, taasoo la micno ah inay si aad ah u soo baxayaan wararka xanta ee la xiriira suuqa iyo ciyaartoyda la filayo inay u wareegaan kooxo kale. Hadaba Sky Sports oo la kaashaneysa shabakada Football Whispers ayaa waxa ay soo saaraan qiimeyn la xiriirta suurtogalnimada uu heshiis ku dhameystirmi karo iyagoo eegaya wararka xanta ee...

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka reer Argentina Sergio Kun Aguero uu heshiis cusub u saxiixay kooxda. Warbixino ayaa soo jeedinaya inuu xidigii h--e Atletico Madrid heshiiska kordhiyay balse aysan si rasmi ah wali ugu dhawaaqin kooxdiisa. Sergio Aguero ayaa 18-gool dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, inkastoo...

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa furan inkastoo bishaan uu yahay mid si gaabis u socda, hadana waxaan soo koobeynaa wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen warbaahinta talyaaniga dhanka suuqa iyo sidoo kale hadalada ugu waaweyn oo ay ka qoreen horyaalka.Goolhayaha da’da yar ee kooxda Ac Milan Gianluggi Donnaruma ayaa doonaya in kooxdiisa ay mushaarka u kordhiso...

Halyeeygii h--e Ac Milan iyo qaranka talyaaniga Paolo Maldini ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday dalabyo kaga yimid laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Ingiriiska bartamahii sagaashamaadkii, balse waligiis uguma tala galin inuu isaga dhaqaaqo San Siro. Paolo waa mid ka mid ah daafacyada ugu waaweyn ee soo maray kubadda cagta sidoo kalana waa tiro yar oo ciyaartoy...

George Best, Bryan Robson, Eric Cantona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka dhigan numberka 7-aad ee Manchester United mid xambaarsan culeys gooni ah madama ay yahiin ciyaartoy taariikh ahaan miisaan ku leh kubadda cagta dunida gaar ahaan garoonka Old Trafford. Balse Memphis Depay ayaa noqday dhibanahii ugu dambeeyay ee xamili waayay numberka 7-aad sidoo kalana...

Tababaraha reer Argentina ee leyliya kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ayaa aaminsan in Spurs ay ka weyntahay Manchester City xilli labada kooxood ay Etihad Stadium isku wajahi doonaan maanta. Spurs ayaa mar kale ku jirta tartanka horyaalka waxeyna fadhisaa booska 2-aad ee horyaalka iyagoo 7-dhibcood ka hooseeya Chelsea, halka City ay fadhiso booska shanaad...

Man City ayaa isku diyaarineysa iney dhageysato dalabyada laga soo gudbinayo weeraryahankooda reer Argentina Sergio Aguero xilli Pep Guardiola uu doonayo inuu dib u habeeyo kooxdiisa. (Yahoo). David Silva oo 31-jir ah iyo Samir Nasri oo 29-jir ah ayaa la filayaa iney noqdaan laba xidig ee xiga kuwaas aada horyaalka Shiinaha iyagoo la midoobi doona macalinkoodii h--e Manuel...

Dagaal adag oo ay sameeyeen kadib qaranka Ghana ayaa helay guushii ugu horeysay ee tartanka AFCON markaas oo ay 1-0 kaga farxasheen xulka Uganda oo ka mid ah dalalka aan rajada badan laga qabin ee ka qeyb galaya tartankaan, balse awood dheeri ah soo bandhigay. Mali waxey si raganimo leh meel isaga saartay xulka ugu guulaha badan taratnkaan ee Masaarida kuwaas oo ay ku...

Xulka qaranka Uganda ayaa doonaya iney kasoo kabtaan guuldaradii ay kala kulmeen qaranka Ghana kulankii furitaanka, halka xulka Masaarida ay barbaro la galeen qaranka Mali. Xulka ugu guulaha badan tartanka ee Masaarida ma aysan soo bandhigin bandhigii 7-sano ka hor ay ka sameeyeen tartankaan, balse waxaa qof walba uu filayaa iney meel sare gaari karaan.WARBIXINTA KULANKA: Kulanka:...