Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka


Mohamoud Batalaale

This user hasn't shared any profile information

Xulka qaranka marti galinaya koobka qaramada Afrika ee Gabon ayaa qaab niyadjab ah kaga hadhay koobka qaramada Afrika ee 2017 kadib markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Cameroon isla markaana ay uu xulka qaranka Burkino Faso 2:0 ku garaacay Guinea-Bissau.Xulalka qaramada Cameroon iyo Burkino Faso ayaa ka soo baxay Group A waxaana tartankan macasalaameeyay...

Barcelona ayaa markale kooxda Eibar gurigeeda ku soo xasuuqday inkasta oo ay bilawgii kulankan cadaadis badan kala kulantay waxayna Barcelona guushan ku soo gaadhay 4:0 bilaa jawaab ah. Denis Suarez ayaa goolasha Barcelona daah furay halka Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar JR ay min hal gool dhaliyeen. Laakiin waxaa guusha Barcelona hadheeyay in Sergio Busquets bilawgii...

Barcelona ayaa marti u ah kooxda Eibar waxayna kulankan ciyaaraysaa iyada oo maanka ku haysa in kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ay guulo ka gaadheen kooxaha Malaga iyo Osasuna sida ay u kala horeeyaan isla markaana ay heleen saddex dhibcood oo ay sare uga kaceen booskii ay ku jireen, sidaa daraadeed kooxda Luis Enrique ayuu hamigeedu yahay in ay culayska ku sii hayso Real...

Chelsea ayaan iska lumin fursadii dahabiga ahayd ee Stamford Bridge u taalay waxayna saddexda dhibcood ka qaateen Hull City si ay sideed dhibcood oo saafi ah hogaanka Premier Leaque-ga ugu qabtaan. Guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Swansea City iyo barbarihii ay Tottenham la gashay Manchester City ayaa Blues ka caawiyay in ay hesho baan wayn oo ay ku neefsan karto....

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa raali galin ka bixiyay ficilkiisii xumaa ee uu ku riixay garsooraha afraad ee kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Burnley. Arsene Wenger ayaa riixay garsoore Anthony Taylor oo ahaa garsoorihii kaydka Emirates Stadium ku qornaa waxaana Wenger la siiyay kaadhka cas iyada oo Jonathan Moss uu arinta soo faro galiyay isla...

Real Madrid ayaa walwal horleh wajahaysa kadib markii uu ay dhaawacyo soo gaadheen Marcelo iyo Luka Modric intii lagu jiray guushii ay Santiago Bernabeu kaga gaadheen kooxda Malaga. Marcelo ayaa kulankii Malaga laga saaray kadib markii uu 25 daqiiqo oo kaliya ciyaarta ku jiray halka Luka Modric si taxadar ah loo badalay balse wararka Spain laga helayo ayaa muujinaya in...

Arsenal ayaa u baahtay in ay daqiiqadii 97 aad ee kulankii Emirates Stadium guul kaga gaadho kooxda Burnley oo u muuqatay in ay waqtigii dhimasada ee dhamaadkii kulankan heshay hal dhibic kadib markii ay goolka barbaraha heshay daqiiqadii 92 aad ee kulankan laakiin laba rekoodhe oo la dhigay saddex daqiiqo gudahood ayaa natiijadii kuankii Arsenal iyo Burnley ka dhigtay...

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa shaxdiisa dib ugu soo celiyay Diego Costa kadib markii la xaliyay khilaaf uu ku seegay kulankii Leicester City. Diego Costa ayaa shaxda Blues ku soo bilawdo si uu u safto kulankiisii 10 aad ee waayihiisa ciyaareed ee Stamford Bridge. Conte ayaa dib iskula helay shaxdiisii ugu fiicnayd ee guulaha badan ee xidhiidhka ah uu...

Real Madrid ayaa qarka u saarnayd in ay dhamaystirto saxiixa da’yarka sida wayn loo qiimeeyo isla markaana lagu naanayso Ibrahimovic-ka cusub ee Alexander Isak, laakiin kooxda Borussia Dortmund ayaa si wayn Real Madrid ugu garaacday saxiixa 17 jirkan kadib markii uu tababaraha kooxda Dortmund ee  Thomas Tuchel uu dhigiisa Zidane kaga saamayn batay in uu Alexander...

Halyaygii kooxda Barcelona ee  Hristo Stoichkov ayaa runta u sheegay gool dhaliyaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Diego Costa wuxuuna siiyay talo ay jamaahiirta Chelsea jeclaysan doonaan.  Hristo Stoichkov waraysi siiyay wargayska The Sun on Sunday, ayaa Costa u sheegay in wali ay da’diisu yartahay isla markaana uu qiimeeyo dadka malaayiinta ah ee daawada...

Tababaraha kooxda Arsenal Ee Arsene Wenger ayaa markale la soo shirtagay shaxdii uu guusha kaga soo gaadhay Swansea City waxaana kulankan taam buuxa u noqday isla markaana booskiisa sii xejistay gool dhaliyaha ree France ee Olivier Giroud kaas oo kulankii Swansea City dhaawac fufud looga saaray. Waxaa kaydka ku jira  Bellerin iyo Coquelin si la mid ah Danny Welbeck wuxuuna...

Manchester City ayaa iska tuurtay hogaanka ciyaarta ay 2:0 ku haysay waxayna Tottenham samaysay soo laabasho cajiib ah si ay xaalada ugu sii xumayso Guardiola iyo wiilashiisa Sky Blues oo markale ku fashilmay in ay muujiyaan awoodooda gool dhalineed. Leroy Sane iyo Kavin De Bruyne ayaa u muuqday in ay Man City guul ku hogaamiyeen laakiin Dele Alli iyo Heung-Min Son ayaa...

Xulka qaranka Ghana ayaa noqday xulkii labaad ee u soo baxay wareega sideed dhamaadka tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay 1:0 ku garaaceen dhigooda Mali. Asamoah Gyan ayaa noqday xidiga sameeyay farqiga u dhexeeyay Ghana iyo Mali isaga oo dhaliyay goolka Black Stars ka caawiyay in ay Senegal kula biiraan wareega sideed dhamaadka AFCON 2017.Xulka...

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa dareen isku dhaf ah ka sheegay kulankii Stoke City ee ay kooxdiisu barbaraha dirqiga ah soo gaashay. Wayne Rooney ayaa Manchester United waqtigii dhimasada ee dhamaadka ciyaarta ka badbaadiyay guuldaro xaalka ku sii xumayn lahayd Red Devils wuxuuna goolkani ahaa mid uu kabtanka United ee Rooney ku noqoday xidiga...

Sergio Ramos ayaa markale noqday geesiga Real Mardrid si uu kooxdiisa Los Blancos uga saaro xaaladii xumayd ee ay ku soo jirtay kadib guudlarooynkii Sevilla iyo Celta Vigo ka soo gaadhay, wuxuuna  kabtanka Los Blancos kooxdiisa u qabtay laba shaqo oo ah difaacasho iyo gool dhalin isaga oo noqday xidiga sameeyay farqiga Real Madrid iyo Malaga ee kulankii Santiago Bernabeu. Sergio...

Kabtaka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaadhaysay Stoke City si uu  u noqdo xidiga abid goolasha ugu badan u dhaliyay kooxdiisa Red Devils. Gool uu iska dhaliyay Jaun Mata ayaa musiib ku noqon gaadhay kooxda Mourinho ilaa intii uu dhamaadkii ciyaarta saamayntiisa la soo baxayay Wayne Rooney...

Tababare Pep Guardiola ayaa markale goolkiisa ku aaminay Claudio Bravo oo eedayn badan la kulmay kadib guuldaradii Everton waxaana difaaca ku soo wada bilawday Zabaleta, Otamendi, Kolarov iyo Clichy halka yaya TourE uu dhexda danbe kali ku yahay waxaana kahdka dhexe ku soo wada bilawday Sterling, Silva, De Bruyne iyo Sane waxaana weerarka hogaaminaya Aguero laakiin Gabriel...

Kadib markii ay Barcelona iska soo reebtay inkaartii toban sano jirsatay ee ku haysatay garoonka Real Sociedad ee ay 1:0 ku soo guulaystay kulankii lugta kowaad ee Copa Del Rey wareegiisa sideed dhamaadka ayay markale dareenka ku soo jeedisay kulanka La Ligaha ee Eibar. Waxaa kulanka Eibar dhaawac ku seegaya kabtanka Barcelona ee Andres Ineista si la mid ah Rahinha. Sidoo...

Dad badan oo sharad ku galay in Liverpool ay dabaylaha kala raacin doonto Swansea City ayaa hadda ka shalaynaya lacagtii ay ku waayeen guuldaradii Liverpool, waxayna ahayd guul loo wada saadaalinayay kooxda Jurgen Klopp oo 17 kulan aan Anfield wax guuldaro ah ku soo arkin, laakiin horyaalka Premier Leaque-ga ayaa looga bartay in marka uu heerkan soo gaadho ay kooxaha heerka...