Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka


Saed Balaleti

This user hasn't shared any profile information

    QODOBKA HADAL-HEYNTAKaliya hal qodob oo la hadalyo ayaa jira waana goolka Pedro uu hogaanka ugu dhiibay Chelsea, waxa uu ahaa gool qurux badan oo xusuus leh waxaana uu noqon karaa goolkii Chelsea gacanta u soo geliyay horyaalka xilli ay u muuqdeen in fekradaha weerar ay ka dhamaadeen. XIDDIGA GAROONKA Pedro (Chelsea): Xiddiga reer Spain kuma uusan soo bilaabanin kulan...

    Manchester City ayaa labo jeer barbaro ka tuugtay kooxda Middlesbrough ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacay garoonka Reverside oo ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay halis iska geliyeen rajadooda inay ku dhameystaan afarta sarre ee horyaalka Premier League oo haatan tartan aad u adag loogu jiro. Kooxda Middlesbrough ayaa aheyd kooxda fiican qeybtii...

    Kooxda Chelsea ayaa hal gacan ku sii qabsatay koobka horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-0 ku soo dubteen kooxda Everton oo marti loogu ahaa garoonka Goodison Park, waxaana ay hogaanka horyaalka ku hayaan todobo dhibcood oo nadiif ah iyadoo ay u harsan tahay afar kulan, laakiin waxaa hogaankaas afar dhibcodo ka dhigi karta mar kale kooxda Tottenham oo kulan adag...

    Tababare Arsene Wenger ayaa mar kale ku soo shirtagay shax ciyaareedka 3-4-3 iyadoo taageerayaasha Arsenal uu war wanaagsan u soo yeeray madaama kabtankooda Koscielny uu taam u noqday inuu ku soo bilowdo kulankaan isagoo ka garab ciyaaraya Gabriel iyo Monreal oo ku wehliya booska seddexda daafac danbe. Laakiin dhanka afarta khadka dhexe waxaa booskoodii kulankii Leicester...

    Garsoore Martin Atkinson ayaa loo doortay inuu dhexdhexaadiye ka noqday lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Bernabeu ku dhexmari doonta kooxaha Real Madid iyo Atletico Madrid 2da bisha May sida ay UEFA xaqiijisay maanta. Garsooraha Ingariiska oo 46 sanno jir ah ayaa dhexdhexaadiyay afar kulan oo ay Real Madrid ciyaareyso Champions League iyadoo Madrid ay badisay...

    Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya baraha bulshada ee kooxda Chelsea ayaa sida cad u muuqday inuu dib ugu laabtay waayihii hore iyadoo shaqsigaas uu ku soo daray shaxdii ay Blues kala hortageysay Everton goolhayihii hore Petr Cech. Inkastoo Thibaut Courtois uu goolka ugu soo bilowday Chelsea kulanka Goodison Park ka socda hadana bogga rasmiga ee Chelsea ay ku leedahay Twitter...

    QODOBKA HADAL-HEYNTA Miyay aheyd rigoore? Rashford ayaa sii bilaabay inuu dhaco ka hor inta uusan soo gaarin Fabianski, laakiin goolhayaha isna gacantiisa ayuu fidiyay ka hor inta uusan la kulmin lugta Rashford ee sii laabaneysay. Waxa ay u muuqatay in Rashford uu istuuray laakiin Fabianski waxa uu sameeyay taabasho.XIDDIGA GAROONKA Gylfi Sigurdsson (Swansea City): Swansea...

    Ka hor inta uusan bilaabanin kulankii Catalan derby ee xalayto, nin ku labisan maaliyada Barcelona ayaa dhex galay qeybta taageerayaasha Espanyol ee garoonka RCDE isagoo qori u la soo baxay taageerayaasha martida loo ahaa. Waxa uu taageerayaasha martida loo ahaa uga careysiinayay heeso ku saabsan xoriyada Catalan isagoo xiran maaliyada Barcelona, waxaana xiisada ay si...

    Kooxda Sunderland ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee si rasmi ah loo xaqiijiyo inay ka hartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ka dib guuldarro dhawaan ka soo gaartay kooxda Bournemouth kuwaasoo 1-0 ku badiyay ka dib gool uu waqti danbe u dhaliyay King. Toban sannadood oo ay Sunderland ka ciyaareysay horyaalka Premier League ayaa soo dhamaaday iyagoo xilli...

    Real Madrid ayaa seddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka La Liga ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Valencia oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu ka dib ciyaar xiiso laheyd oo labada kooxood dhexmartay. Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay Los Blancos ka hor inta uusan rigoore ka qasaarin. Parejo ayaa laad xor ah oo fantastik ah ugu barbareeyay Valencia ciyaarta...

    Ka hor kulanka Espanyol ay martigelin doonto Barcelona kooxda martida loo yahay ayaa shiday xamaasada kulankaan iyagoo bogooda Twitter soo dhigay sawir si dadban u duraya xiddiga Barcelona Lionel Messi kaasoo sameeyay dabaaldeg taariikhi ah kulankii Santiago Bernabeu markaasoo uu taageerayaasha tusay maaliyadiisa. Iyadoo ay la socoto hal ku dhiga ah “Xusuuso waxa...

    Cristiano Ronaldo ayaa noqday haatan xiddiga abid ugu goolasha badan lixda horyaal ee ugu waa weyn qaarada Yurub isagoo dhaliyay goolkiisii 367aad ee horyaal ah. Ronaldo ayaa jabiyay rikoor uu hore u hayay xiddigii hore ee England iyo Tottenham Jimmy Greaves kaasoo dhaliyay 366 gool oo horyaal ah.Xiddiga reer Portugal ayaana haatan ah gooldhaliyaha abid ugu sareeya lixda...

    Luke Shaw ayaa shaaca ka qaaday in qofkii ka danbeeyay in ciyaartoyda Man United ay xirtaan funaanado ay ku qoran yihiin magacyada xiddigaha dhaawacan ee Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo uu ahaa Jose Mourinho. Tababaraha Red Devils ayaa la yimid fekerkaan oo uu ku doonayay inuu ku dhiso moraalka ciyaartoyda ka dib markii labada ciyaartoy ay soo gaareen dhaawacyo muddo...

    Waxaa soo baxayay warar sheegayay in Barcelona ay xiriir la sameysay xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti. Si kastaba kaliya saacado ka dib markii uu warkaas soo baxay wakiilkiisa Donato di Campli ayaa saxaafada u hadlay waxaana uu si adag u beeniyay inuu jiro kulan dhexmaray iyaga iyo Barcelona. Wargeys ayaa soo jeediyay in kulanka uu dhacay markii...

    Sida uu aaminsan yahay tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane, musharaxa jagada madaxweyne ee Faransiiska haweyneyda lagu magacaabo Marine Le Pen inay wakiil ka tahay qolo xagjir ah oo aan u fiicneyn wadankiisa ka dib markii ay dhawaan u soo baxday wajiga labaad ee doorashada Faransiiska. Le Pen ayaase u jawaabtay ciyaaryahankii hore ee xulka France.(adsbygoogle...

    Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laabtay safka hore ee Real Madrid kadib ganaax hal kulan ah oo uu kaga maqnaa kulankii Deportivo. Cristiano Ronaldo, Benzema, Kroos iyo Modric ayaa sidoo kaliya dib ugu soo laabtay shaxda kooxda ka dib markii la nasasiiyay kulankii Deportivo halka Hames uu ceshtay booskiisa shaxda isagoo ka garab ciyaaraya Benzema iyo Ronaldo ka dib wacdarihii...

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa qirtay inuu doorbidi lahaa inuusan iska iibinin Morgan Schneiderlin iyo Bastian Schweinsteiger. Kooxda Red Devils ayaa waxaa soo wajahay mashaqo khadka dhexe ah iyadoo Paul Pogba uu dhaawac yahay halka Marouane Fellaini uu ganaax ku maqan yahay taasoo keeneysa in halyeeyga Michael Carrick iyo Ander Herrera ay yihiin xiddigaha...

    Antonio Conte ayaa fariin adag u diray Jose Mourinho iyo Pep Guardiola isagoo sheegay in guusha aan lagu iibsan karin lacag. Tababaraha Chelsea Conte ayaa yiri: “Waxaan qabaa xilli ciyaareedkan inay muhim tahay in la fahmo in mar walba aysan aheyn cida lacagta ugu badan qarashgareysay. Xilli ciyaareedkan horyaalka looma saadaalineynin Chelsea ama Tottenham ama Arsenal...

    Zlatan Ibrahimovic ayaa ku adkeysanaya inuusan dooneynin inuu ciyaaraha ka fariisto ka dib dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaaray jilibka, laakiin sida ay sheegeyso jariirada Daily Mirror xiddiga reer Sweden ayaa aqbalay in xagaagan uu soo gabagabooyo waqtigiisa Manchester United. Inkastoo wararka ay soo jeedinayaan in Zlatan Ibrahimovic uu qabtay shaqo ku filan oo uu...

    Newcastle United ayaa qabsatay xaflad weyn oo ay dib ugu soo laabaneyso Premier League ka dib markii ay 4-1 ku garaaceen 10 nin oo Preston North End ah ciyaar xiiso laheyd oo xalayto ka dhacday St James Park, waxaana ay Premier League ku soo laabteen isku daygoodii koowaad. 348 maalmood ka dib markii ay u dhaceen heerka labaad, Newcastle ayaa boorsada ku ridatay abaalmarin...