Aubameyang Oo Anfield Kula Midoobaya Jurgen Klopp, Salah Oo Diirada U Saaran Zidane & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah

by Saed Balaleti | Sunday, Dec 3, 2017

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Tottenham ayaa ka iibin doonta daafaca bidix ee England Danny Rose kooxda Manchester United laakiin kaliya waa haddii ay dalab 45 milyan ginni ah ka helaan. (Daily Star Sunday)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emrick Aubameyang iyadoo Daniel Sturridge uu ka tagayo Anfield. (Sunday Express)

Tababaraha cusub ee Everton Sam Allardyce ayaa qorsheynaya inuu heshiis 25 milyan ginni ugu dhaqaaqo 28 jirka khadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi kaasoo ka hoos ciyaaray 63 jirkaan markii uu tababare ka ahaa Blackburn. (Mail on Sunday)

Manchester United ayaa ka baxday qorshaheedii ahaa inay 100 milyan ginni kula soo wareegaan weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale, waxaana ay ku qiimeynayaan 28 jirkaan lacag u dhaxeysa 50 ilaa 60 milyan ginni. (Sunday Mirror)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay u ogolaato goolhaye Thibaut Courtois inuu si xor ah ku baxo marka uu qandaraaskiisa dhamaado xagaaga 2019 halkii ay ka iibin lahaayeen Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sun on Sunday)

Manchester City ayaan weli ka quusanin saxiixa daafaca dhexe ee West Brom 29 sanno jirka Jonny Evans inkastoo laga soo diiday labo dalab oo ay ka gudbiyeen xagaagii. (Sunday Express)

Tababaraha xulka Masar Hector Cuper ayaa sheegay in Real Madrid ay xiiseyneyso xiddiga Liverpool iyo Masar weerarka uga ciyaara Mohamed Salah oo 25 sanno jir ah. (On Sport TV)

 

Barcelona ayaa bixin doonta lacag ka badan 100 milyan euro si ay u la soo wareegto kubadsameeyaha kooxda Liverpool iyo xulka Brazil Philippe Coutinho.  (Calciomercato)

Manchester City ayaa diyaar u ah inay Raheem Sterling ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan Premier League iyagoo qandaraaska u kordhinaya 22 jirkaan, waxaana la soo bandhigayaa qandaraas cusub uu isbuucii ku qaadanayo in ka badan 300 kun ginni. (Sun on Sunday)

Xiddiga khadka dhexe ee Turkiga Arda Turan ayaa ku dhow inuu bisha Janaayo ka tago Barcelona, iyadoo ay macquul tahay inuu u wareego horyaalka Premier League. (Goal)