Atletico Madrid Oo Xili Ciyaareedkii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah U Soo Baxday Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga Iyo Leicester City Oo Ugu Danbayn La Reebay.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Kooxda Ateltico Madrid ayaa awooday in ay leicester City ka cidhibtirto tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay barbaro 1:1 ah ku galeen King Power Stadium. Atletico Madrid ayaa ku badbaaday goolkii ay guusha ku soo gaadhay kulankii lugti hore ee Vincente Calderon waxayna Foxes muujisay dhiiranaan ay tartankan ka hadhay iyada oo soo gaadhay meel ka fiican halkii ay ku hadheen kooxaha England matalayay ee Tottenham, Manchester City iyo Arsenal.

Jamie Vardy gave Leicester a lifeline with half an hour to play by tapping in following a goalmouth scramble

Vardy carries the ball back to the halfway line after he scored following a blocked effort by half time substitute Ben Chilwell

Atletico Madrid ayaa goolka ku hormartay waxaana daqiiqadii 26 aad goolkan u saxiixay Saul Neguez laakiin Leicester City oo si adag u dagaalantay ayaa goolkeeda barbaraha heshay daqiiqadii 61 aad waxaana goolka rajadeeda soo celiyay u keenay Jamie Vardy balse kooxda martida loo ahaa ee Foxes ayaa awoodi wayday in ay wax goolal kale ah la timaado.

Leicester's players and fans were shaken and disappointed by the goal, which came just after they enjoyed a good spell

Schmeichel attempts to encourage his team mates as Luis and Koke run off to celebrate the opening goal with scorer Saul

Saul wheels away after netting after 26 minutes to give Diego Simeone's Atletico a major advantage in the encounter

Atletico fans were also in colourful and noisy form, raising their scarves in celebration after their team scored the first goal

Atletico Madrid ayaa afar dhamadka Champions Leaque-ga ugu soo baxday natiijo celcelis ahaan oo 2:1 ah waana markii saddexaad oo xidhiidh ah oo ay soo gaadhay afar dhamaadka iyada oo ay wareegan u soo wada baxeen kooxda ay Madrid ka wada dhisan yihiin ee Real Madrid oo iyadu rekoodh cusub ku dhigtay in ay markii 7 aad oo xidhiidh ah soo gaahay afar dhamaadka UCL.

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa habeen danbe ka war sugi doono kulamada Barcelona Vs Juventus iyo AS Monco vs Borussia Dortmund waxaana si rasmi ah loo ogaan doonaan afarta kooxood ee xili ciyaareedkan iskugu soo hadhi doona afar dhamaadka Champions Leaque-ga laakiin haddii ay Barcelona awoodo in ay Juventus soo dhaafto waxay markale noqon doontaa in laba koxoodo oo ree Spain ahi ay kulmi karaan, haddii kale Juventus iyo Madrid ayaa noqon doona kooxaha ugu cad cad.