Atletico Madrid Oo Todobaadkan Dalabkii Ugu Horeeyay Ka Soo Gudbinaysa Diego Costa Iyo Shuruud Ay Blues Ku Xidhi Doonto.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Kooxda Atletico Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay todobaadkan dalabkii ugu horeeyay ka soo gudbiso gool dhaliyaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Deigo Costa. Antonio Conte ayaa si layaableh qorshihiisa xili ciyaareedka cusub uga saaray Costa wuxuuna ugu sheegay fariin qoraal ah.

Diego Costa oo markiiba horeba doonayay in uu dib ugu laabto Atletico Madrid ayaa helay cudur daar wayn oo ah in Antonio Conte uu gaadhay go’aan uu ku deg degay oo uu maamulka kooxdiisa uga gacan dhaafay go’aaminta mustaqbalkii xidigii kooxdiisa koobka Premier Leaque-ga ku soo hogaamiyay.

Sida uu wargayska Daily Mirror sheegay kooxda Atletico Madrid ayaa todobaadkan Diego Costa ka soo gudbin doonta dalab ku qiimaysan 26 milyan oo gini waana lacag 6 milyan oo gini ka hoosaysa qiimihii ay Atletico Madrid saddex sano ka hor ay Chelsea kaga iibisay Diego Costa.

Laakiin haddii ay labada kooxood heshiis isla gaadhaan Atletico Madrid ayaa bixin doonta lacago dheeraad ah oo ay Blues ugu soo wada celin karto lacagtii 32ka milyan ee gini ahayd ee ay Diego Costa kula soo wareegtay sanadkii 2014 kii.

Laakiin shuruuda ay Atletico Madrid ku xidhayso Chelsea ayaa ah in Diego Costa aanu qayb ka ahaan liiska kooxdeeda ee kulamada Champions Leaque-ga haddii aan heshiiska hore loo dhamaystirin maadaama oo haddii uu hal kulan ciyaaro ayna Ateltico Madrid fursad u heli doonin in uu kooxdeeda u ciyaaro bisha January marka laga qaado xayiraada dhinaca suuqa ka saaran.

Diego Costa ayaa marka hore ku biiri doona Atletico Madrid laakiin ilaa bisha January ee 2018 ka hor uma ciyaari karo kooxda Simeone waxaana suurtogal ah in muddada ka horaysa uu heshiis amaah ugu sii ciyaari karo koox kale iyada oo AC Milan magaceeda la soo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Diego Costa oo ay riyadiisa tahay in uu dib guu laabto Atletico Madrid ayay kooxdiisii hore diyaar u tahay in ay todobaadkan samayso dalabkii ugu horeeyay ee ay Blues u soo dirayso iyada oo fariintii uu Conte xidigan u diray ay Blues ka tuurtay 10 milyan oo gini oo ay xidigan si dheeraad ah u dul dhigi lahayd.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments