AS Monaco Oo U Soo Baxday AFAR Dhamaadka Champions Leaque-ga, Layaabka Kylian Mbappe Oo Halkiisa Ka Sii Socda Iyo Dortmund Oo Guuldaro Labaad La Kulantay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Kooxda AS Monaco ayaa muujisay sida ay xili ciyaareedkan dilaa ugu tahay goolka hortiisa waxayna guuldaro labaad gaadhka uga lisay kooxda Borussia Dortmund. Kulan xiiso badan oo ay labada kooxood ku soo bandhigeen awoodooda ciyaareed ayay Monaco guul ku gaadhay 3:1 iyada oo isku darka labada kulan ku soo baxday 6:3.

Kylian Mbappe added yet another Champions League goal to his tally and tucked home a rebound three minutes in

Kooxda martida loo ahaa ee AS Monaco ayaan waqti isaga lumin ay hesho goolkeeda furitaanka waxaana markale seefta galka ka saaray da’yarka layaabka dhigaya ee Kylian Mbappé kaas oo Borussia Dortmund xaalada ku sii xumeeyay wuxuuna gookan Mbappe ku dhaliyay kubbada uu  Mendy goolka Dortmund ku darbeeyay basle goolhaye Burki ayaan si fiican u awoodin in uu kubbada isaga badbaadiyo waxaana goolkan sidaa ku dhamaystiray Mbappe wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Monaco hogaanka ku qabtay bilawgii ciyaartaba.

The Monaco players and coaching staff pile in after the third goal was scored and effectively killed the contest 

Mbappe received the ball with a side-footed first-time effort after a weak first effort at a save from Roman Burki

Ciyaartan ayaa ahayd mid furan oo fursado cajiib ah ay labada kooxood samaynayeen laakiin Monaco oo xili ciyaareedkan aan wax guuldaro ah ku arkin garoonkeeda ayaa sii waday in ay culayska saarto Dortmund waxayna markan raadinaysay goolka laabad.

The home side made the perfect possible start to the game and again exhibited their wonderful attacking prowess

Radamel Falcao ayaa daqiiqadii 17 aad kooxdiisa u keenay goolka labaad kadib markii uu caawin ka helay Thomas Lemar kaas oo sameeyay gool caawintiisii 4 aad ee wareegyada finalada Champions Leaque-ga waana ciyaartoyga kaliya ee caawintan gaadhay, waxyana markan ciyaartu noqotay 2:0 ay Monaco hogaanka ku dheeraysatay. Sidaa ayaana lagu kala nasty qaybtii hore ee ciyaarta.

The former Chelsea and Manchester United man leapt in delight after continuing his impressive goal-scoring season

Dortmund endured a nightmare first 20 minutes of the game and fell behind 5-2 on aggregate after 17 minutes

Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Dortmund ayaa daqiiqadii 48 aad heshay goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay waxaana u saxiixay Marco Reus kaas oo caawin ka helay Ousmane Dembélé waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Monaco hogaanka ku hayso isla markaana ay waliba u dheertay guushii kulankii hore.

Reus pointed to his head and indicated to his side that the tie was still alive for the visiting team 

Ousmane Dembele came on and made a brilliant impact at the start of the second half by assisting Marco Reus

Waxaa ciyaarta hurdada u diray isla markaana Dortmund u quus gooyay Valère Germain kaas oo taabashadii ugu horaysay ku dhaliyay goolka saddexaad ee Monaco wuxuuna daqiiqadii 81 aad badal u ahaa Kylian Mbappé balse isla daqiiqadii 81 aad ayuu goolkan dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Monaco ku diiranayso Dortmund.

Valere Germain slotted the third goal just 21 seconds after coming on as a substitute to wrap up the tie

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay AS Monaco ku garaacday Borussia Dortmund isla markaana ay kooxda ree France ugu soo baxday afar dhamadka Champions Leaque-ga iyada oo wareegan kulan biirtay kooxaha ree Madrid ee Real iyo Atleti si la mid ah Juventus.