Arturo Vidal Iyo Frank Ribery Oo Wali Ka Cadhaysan Guuldaradii Real Madrid Ka Soo Gaadhay Waxayna Sawiro Ku Muujiyeen In Labadii Gool Ee Ronaldo Ay Offside Ahaayeen.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Min ciyaartoyda Bayern Munich ilaa madax waynahooda ayaa si adag uga hadlay qaladaadkii garsoore Viktor Kassai uu ka sameeyay kulankii Santiago Bernabeu waxayna ku tilmaameen boob iyo dhac uu garsooraha ree Hungry ee Viktor Kassai uu kooxdooda u gaystay. Laakiin cadhada ay qabeen Arturo Vidal oo kaadhka cas la siiyay iyo Frank Ribery ayaan wali dhamaan waxayna soo bandhigeen qaabka cadaanka ahayd ee uu Ronaldo offsideka ugu jiray labadii gool ee danbe.

Wargayska Marce ee Madrid ka soo baxay ayaa soo qaatay sawirada ay Vidal iyo Ribery markale cadhadooda ku soo bandhigeen waxaana meel layskugu keenay sawirkii laba ka mid ah saddexdii gool ee uu Ronaldo dhaliyay iyada oo waliba uu mid ka mid ahi yahay goolkii uu Ronaldo saddexdleyda ku dhamaystirtay ee uu Marcelo siiyay goolka oo madhan.

Zidane ayaa qiray in goolka labaad ee Ronaldo uu offside ahaa balse waxa uu ku dooday in si la mid ah goolkii uu Ramos iska dhaliyay uu isna offside ahaa. Ancelotti ayaa si adag uga hadlay qaladaadkii garsoore Viktor Kassai kaas oo aduunka kubbada cagta dood wayn ka dhex abuuray.

Xidigaha Bayern Munich ayaa markii ay soo dhamaatay ciyaartii Bernabeu waxay garsoore Viktor Kassai iyo groupkiisa ugu tageen qolka labiska waxaana arinta soo fara galiyay booliiska kadib markii ay si wayn ugu qayliyeen isla markaana ay aflagaado u gaysteen.