Arsene Wenger Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ciyaartoyda Man United & Man City Ku Dhexmaray Qolalka Labiska Ka Dib Kulankoodii Old Trafford

by Saed Balaleti | Tuesday, Dec 12, 2017

Tababaraha Arsenal ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka ay habeen danbe la ciyaarayaan kooxda West Ham waxaa wax laga weydiiyay dagaalkii ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha Man United iyo Man City ku dhexmaray qolalka labiska ka dib kulankii Old Trafford ee ay kooxda Pep Guardiola 2-1 kaga badiyeen Red Devils.

Dagaalkaas ayaa dhaliyay in caano iyo biyo lagu shubo tababaraha United Jose Mourinho halka caawiyaha tababaraha Manchester City Mikel Arteta madaxa laga daqray iyadoo wararka ay sheegayaan inay sabab u aheyd caag biyo ah oo uu ku soo tuuray weeraryahanka United Romelu Lukaku.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ee FA-ga ayaa baaraya dhacdadaan waxaana macquul ah in labada kooxood lagu ganaaxo qalalaasaha ka dhashay qolalka labiska ka dib ciyaartii Axada.

Tababare Arsene Wenger ayaa markii wax laga weydiiyay dhacdadaas waxa uu ku jawaabay: “Waan maqlay. Mararka qaar waa ay dhici kartaa. Waxaa qosol leh in warbaahinta ay si weyn u buunbuuniso kulamada waa weyn oo ay ka dhigaan nolol iyo geeri islamarkaana ay tan oo kale dhacdo.

“Anaga ayay nagu dhacday, iyaga ayay ku dhacday. Waa nasiibdarro. Caqliyan waxaa wanaagsan in xamaasad boqolkiiba 100 ah garoonka lala galo balse ciyaarta ka dib la iska ilaawo. Laakiin mar walba xaalka sidaas ma ahan. Waa in xamaasada iyo xafiiltanka uu ku ekaado garoonka.

“Waa ay adag tahay inaad daawato dabaaldega kooxda kale marka lagaa badiyo. Markii aan Japan joogay waxaan jeclaa musaaricada Sumo sababtoo ah ma garan kartid qofkii badiyay. Guuleystaha marnaba ma soo bandhigo farxadiisa madaama ay ixtiraam weyn u hayaan qofkii ay la ciyaarayeen.”

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Amran Arsenal 13-12-2017 at 8:18 pm -

    Kkkkkkk Arese Wenger Nin weyn Oo Wax Garada Aya Tahay Balze inadeerow Xamazada iyo Ficilka Adigu Markad Garoomada Zoo Galayzo Bal LA zoo Gal Bilaa Callayak Kolayba Waa Naga zii zocotaaye Ficil Iyo Dhiig zameee Intad Nalla Joogtid Oo Ciyaartoyada Canaano Hadii Laga badiyo Zido Kalle Dhiiri GALI Markay Ciyarta Galayaan Kii Hal Gool izka Cunana Biijka Dhig Zi Ay Kuwa Kallana Biijka Uga cararan Uguna Dhiiradan Ziday Gool u dhalin Lahayeen Wenger Good luck Macalin Viva Arsenal Dhiiga

  2. Abdi fatah 12-12-2017 at 9:27 pm -

    Aniga ahan rayigayga hadi an kabdhibto wa p.schols

  3. faahiye 12-12-2017 at 4:10 pm -

    hhhhhhhhhhhhh… wlhi qosol…..saxaafadda kulamadda waawey waxay ka dhigayaan Geeri iyo dhimasho…

  4. hazard 12-12-2017 at 3:25 pm -

    out please