Arsene Wenger Oo Daaha Ka Rogay Sidii Uu Ugu Dhawaaday La Soo Saxiixashada Lionel Messi

by Jaalle | Thursday, May 17, 2018

Tababaraha Arsenal ee tagaya Arsene Wenger waxa uu daaha ka rogay sida uu ugu dhawaaday in uu Lionel Messi la soo saxiixdo.

Wenger waxa uu doonayaa in uu Messi iyo Pique oo uu la socdo Fabregas 2003-dii keeno Arsenal.

Tababaraha reer France waxa uu ku guuleystay in uu Fabregas keeno kaas oo 200 oo kulan wax ka badan u saftay Gunners, hase ahaatee, uma suurtagalin kuwa kale.

Xilligaas Messi waxa uu ku jiray carbiska Barcelona.

Laakiin taariikhda qaniga ah ee Argetine-ka ee Barcelona ma suurtagasheen haddii Wenger ku guuleysan lahaa in uu Messi iyo Pique wada keeno Arsenal.

“Sheekada Cesc  Fabregas waa in ay Franny Cagiago iyo  Steve Rowley keeneen ciyaaryahanka anaga waan ku qancinay,” ayuu Wenger u sheegay Arsenal.com.

“Waxaan la kulmay waalidka Cesc xilligaasna waxaan xiiseeneynay Messi iyo Pique. Saddexdooda waan isku daynay laakiin dabcan ma shaqeyn, laakiin waxaan helnay Cesc waana ciyaaryahan cajiib ah. Maskax Kubaddeed.

“Nooma shaqeyn qorshihii Messi iyo Pique sababo la xiriira wakiilada. Waxaan qabaa in ay xiriir la lahayd Nike waqtigaas waxa ayna rabeen in Pique aado United.

“Messi, Barcelona ma dooneyn in ay lumiyaan dabcan waxa ayna sameeyeen dalab lagu rabay in kooxda loogu hayo.

“Dhabtii ma aqaan in Messi xiiso qabay… kuma dhawaan karin si aan u qasbo heshiiska maxaa yeelay Barcelona waxa ay joosisay suurtagalinimadaas xilli hore.”

 

136 Shares