Arsenal Oo Wadahadalo Kula Jirta Serri, Red Devils Oo Kalsooni Ku Qabta Alderweireld & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada Yurub waxaa furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin ka hor ayay kooxaha sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan inay adkeeyaan kooxahooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacib.net mas’uul kama ahan waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.


Mikel Arteta oo 36-jir ah ayaa ugu cad-cad inuu shaqada ka badalo Arsene Wenger, kadib markii uu wadahadal la yeeshay maamulka. (Independent)

Arsenal ayaa wadahadal kula jirta burburiyaha Nice Jean-Michael Seri oo 26-jir ah, laguna qiimeeyo aduun dhan 40 Malyan oo Poun. Si kastaba kooxda London kala dhisan ee Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro. (Mirror)

Manchester United aya kalsooni ku qabta iney lasoo saxiixaneyso 29-jirka Spurs Toby Alderweireld, Red Devils in ka badan 40 Malyan ayey diyaar la tahay. (Evening Standard)

Daafaca Leicester City Harry Maguire oo 25-jir ah ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa kadib koobka Aduunka, kooxo badan oo Premier League ka dhisan ayaa xiiseynaya. (Mirror)

Mauricio Pochettino ayaa diyaar u ah inuu iska diido dalab kaga yimaada kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Chelsea. (Star)

Liverpool ayaa lasoo saxiixaneysa 20-jirka Chelsea Isaac Christie-Davies kaas oo aan heshiis cusub lagu abaalmarin, si xor ah ayey ku heli kartaa. (ESPN)

95 Shares

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Nimcaan Yassin ahmed mr. Ayman 17-05-2018 at 7:58 am -

    liverpool da.yarta ayey dhirii kalisa siday mustaqbal ugu sameysoo foog

  2. Najip alta 17-05-2018 at 1:19 am -

    Wararka arsenal

  3. samatar Nurani iftin 16-05-2018 at 3:57 pm -

    sii fiican