Arsenal Oo Bedelka Tababare Arsene Wenger Ku Aragtay Horyaalka Bundesliga.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Kooxda Arsenal ayaa durbaba isku diyaarineysa nolol ka danbeysa tababare Arsene Wenger.

Sida ay qortay saaka jariirada The Sun kooxda ayaa isku aadisay liis yar oo ay ku qoran yihiin raga ugu macquulsan inay bedelaan tababaraha Faransiiska, waxaana ayba xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah si ay u soo jiitaan xiisahooda.

Sida wargeysku sheegay tababaraha kooxda Leipzig Ralph Hasenhuttl ayay kooxda ka fiirsaneysaa ka dib guulaha cajiibka ah ee uu ku gaarayo Jarmalka.

untitled

Qandaraaska Wenger ee kooxda Arsenal waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, welina ma jiraan wadahadalo qandaraaskaas loogu kordhinayo inkastoo ay kooxda jeclaan laheyd in Wenger uu qandaraas cusub saxiixo.

Laakiin madaama ay wajahayaan hubanti la’aan, madaxa kooxda Ivan Gazidis ayaa bilaabay inuu durbaba sii calaamadeeyo raga ugu cadcad inay bedelaan Wenger xagaaga danbe.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira tababaraha Bournemouth Eddie How oo ah nin ay jecel yihiin madaxda Arsenal.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Gunners ayaan garaneynin Hasenhuttl kaasoo Leipzig ku hogaamiyay hogaanka Bundesliga xilli ciyaareedkan iyagoo aan laga badinin 12kii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen horyaalka.

Laakiin madaxda Emirates ayaa la soday xaalada tababaraha reer Austria in ka badan labo sannadood madaama uu horumar soo gaarsiiyay kooxdiisii hor ee Jarmalka Ingolstadt.

Like it? Share it!

Leave A Response