Arsenal 0-2 Southampton: Kooxda Southampton Oo Arsenal Ka Cidhibtirtay Tartanka EFL Cupka,Saints Oo Afar Dhamaadka EFL Cupka U Soo Baxday Iyo Dhibaatada Gunners Ka Haysata Kooxaha Premier Leaque-ga Ee Tartankan Oo Sii Socota

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Kooxda Southampton ayaa Emirates Stadium ku dubatay Arsenal waxayna kooxda Saints iska xaadirisay wareega afar dhamaadka  Leaque Cupka, waana markii afraad oo xidhiidh ah oo koox Premeir Leaque-ga ka risani ay Arsenal sidan oo kale uga cidhibtirtay tartankan. Southampton ayaa kooxaha Liverpool, Man United iyo Hull City kula biirtay afar dhamaadka Leaque Cupka.

Southampton ayaa markii saddexaad ee taariikheeda gaadhay afar dhamaadka leaque Cupka iyada markii ugu horaysay heerkan soo gaadhay tan iyo 1986/87 kii. Southampton ayaa kulankan guul ku gaadhi kartay goolal intan ka badan marka la fiiriyo fursadihii tirada badnaa ee ay abuurtay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Arsenal (4-2-3-1): Martinez; Jenkinson, Gabriel, Holding, Gibbs; Coquelin, Elneny; Reine-Adelaide, Ramsey, Iwobi; Lucas.

Kaydka:Oxlade-Chamberlain, Xhaka, Bielik, Bola, Macey, Maitland-Niles, Mavididi.

Southampton (4-3-3): Forster; Martina, Yoshida, Van Dijk, Bertrand; Reed, Claise, Davis; Boufal, Long, McQueen.

Kaydka:Cadric, Rodriguez, Ward-Prowse, Hojbjerg, Stephens, Sims, Lewis.

Kooxda Southampton ayaa qaybtii h--e ee kulankan soo badhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxayna neefta dib ugu celisay kooxda ay martida u ahayd ee Arsenal iyo jamaahiirteeda. Saints ayaa dardar cajiib ah Arsenal ku dardartay qaygtii h--e ee kulankan iyada oo Gunners awooday in ay samayso hal fursad oo gool lagu dhalin karo. Qaybtii h--e ee kulankan ayaa ahaa mid daawashadiisa lagu raacaystay isla markaana xamaasad cajiib ah lahaa.

DAQIIQADII GOOOOOOOOOOOOL! Southampton ayaa bartilmaameedkii ugu horeeyay ee ay samasyay kula timid goolkeeda furitaanka ay Arsenal dhibaatada wayn ugu abuurtay waxaana Saints goolkan muhiimka ah u saxiixay Jordy Clasie kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Southampton hogaanka ciyaarta ku qabtay xili horeba.

Arsenal ayaa dadaal wayn muujisay laakiin dadaalkeeda ayaa dhaafi waayay cidhifka xerada ganaaxa Southampton iyaga oo ku fashilmay in ay tijaabiyaan goolka Southampton waxayna kooxda martida ahayd ku ciyaaraysay dhiiranaan cajiib ah oo ay Arsenal garoonka ugu soo yaraysay. Mar kasta oo ay Southampton kubbada hesho Arsenal ayaa ka walwalaysay weerarka deg dega ahaa ee dheeraynayay.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaan waxba ka baran qaladkii ay markii h--e samaysay waxaana isla qabakii h--e goolka labaad kula timid kooxda Southampton waxaana goolkan u dhaliyay  Ryan Bertrand kaas oo kubbad fiican ka helay Sofiane Boufal oo banaan ka helay difaaca qaladka xun sameeyay ee Jenkinson, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Southampton hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 43 AAD Xaalada Arsenal ayaa sii xumaatay waxaana ciyaarta labada daqiiqo ee ka hadhay dhamaysan kari waayay Mohamed Naser Elneny kaas oo ciyaarta badal looga saaray waxaana lagu soo badalay Granit Xhaka. Arsene Wenger ayaa markan si dhab ah u bilaabay in uu xaalada ka walwalo. 

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii h--e ee kulankan ayay Arsenal ku fashilantay in ay jamaahiirteeda iyo garoonkeeda ka faa’iidaysato waxaana faa’iido wayn haysatay kooxda martida ahayd ee Southampton oo laba gool hogaanka ku haysay waxaana lays waydiinayay haddii Gunners ay qaybta danbe natiijada ciyaarta wax ka badali karto. Qaybtii h--e ayaa lagu kala nastay 2:0 ay Saints hogaanka kaga haysay Gunners.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal soo laabtay iyada oo dardar xoogan ku socota laakiin Southampton ayaa iyaduna sii laba jibaartay dadaalkii ay qaybtii h--e samaysay wuxuuna kulanku noqotay mid ayna kubbadu helin waqti kaliya oo ay ku joogsato.

DAQIIQADII 50 AAD Aaron Ramsey ayaa helay fursad aad u fiican laakiin goolhaye Forster ayaa si sahlan darbadiisa oo aan xooganayn ku qabtay waxayna Arsenal bilawday in ay si adaga uga shaqayso sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd.

Daqiiqadihii 57 ilaa 60 aad Southampton ayaa heshay fursado layaableh oo ugu yaraan lagu gool oo cadaan ah lagu dhalin karayay laakiin fursada h--e waxaa Long darbo qurux badan ka badbaadiyay Martinez halka darbo cajiib ah oo uu tuuray Sofiane Boufal ay birta goolka Arsenal waxyar u martay.

DAQIIQADII 64 AAD Wenger ayaa ciyaarta ka saaray da’yarka Jeff Reine-Adelaide wuxuuna kaydka uga yeedhay Alex Oxlade-Chamberlain wuxuuna sidoo kale ciyaarta ka saaray Carl Jenkinson isaga oo ku soo badalay Ainsley Maitland-Niles.

DAQIIQADII 78 AAD HALIS WAYN!. Southampton ayaa iska lumisay fursad aan la rumaysan karin in ayna gool noqon kadib markii uu Shane kubbad kula soo baxay goolka Arsenal laakiin darbada uu goolka ku bartilmaameedsaday oo banaan ahaa ayaa dhinaca ka maray goolka oo cidlo ahaa.

Tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyay ayay Arsenal madaxa sare u qaaday waxayna abuurtay fursado fiican laakiin waxay u muuqdeen wali kuwo ay ku adag tahay in ay gaadhaan shabaqa Southampton oo si xoogan iskugu xidhnayd. Laakiin wali Southampton ayaa marka ay kubbada hesho halis wayn ku ahayd Arsenal.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Southampton ku soo dubatay Arsenal oo Emirates Stadium joogtay isla markaana ay ugu soo baxday afar dhamaadka leaque Cupka halka Arsenal ay markii afaraad oo xidhiidh ay Emirates Stadium koox Premier Leaque-ga ahi ay koobkan kaga reebtay.

Like it? Share it!

Leave A Response