Antonio Conte Oo Muhiimad Siin Doona Ka Shaqeynta Sidii Uu Kula Soo Saxiixan Lahaa Alexis Sanchez & Doorarka Loo Diyaariyay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Tababare Antonio Conte ayaa sare u qaaday hamigiisa ku aadan inuu u dhaqaaqo saxiixa xidiga Gunners Alexis Sanchez isla markaana uu ka dhigto muhiimadda ugu sareysa ee suuqgalkiisa xagaaga soo aadan.

Weeraryahanka reer Chile ayaa galaya sanadkiisii ugu dambeeyay sanadkiisii ugu dambeeyay heshiska uu kula jiro Arsenal, Chelsea ayaana qorsheyneysa iney tijaabiso iney baahiyaheeda ku xalisato xidigaan xagaaga soo aadan.

Sida ay qoreyso Indenpedent, Blues waxey dooneysaa iney keento Stamford Bridge keento xidigii hore Barcelona iyadoo Conte uu aaminsan yahay inuu xidigaan yahay miisaan fiican oo kusoo kordhay kooxda difaacaneysa horyaalka madama uu ciyaari karo weerarka tooska ah iyo garabka weerarka.

Arsenal ma daneyneyso iney 28-jirkaan heerka caalami ka iibiso kooxaha Ingiriiska, waxeyna doorbideysaa iney dibadda u weeciso hadiiba ay noqoto iney iibiso marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sanchez waxaa lagu soo waramayaa inuu doorbiday joogitaanka waqooyiga London tan iyo inta ay awoodo iney usoo baxdo Champions League madama uu jecel yahay ku noolaashaha London, waana iney garaacaan Everton Axadda si ay fursad fiican ugu helaan sidoo kalana ay rajeeyaan in Liverpool iyo Man City ay mid ka mid ah qasaare la kulanto.

Arsene Wenger meel ka sareysa afarta sare kuma dhameysan waligiis, weyna ku adkaan doontaa inuu ceshto Ozil iyo Sanchez hadii ay kooxdiisa ku fashilanto iney usoo baxdo Champions League.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments