Antonio Conte Oo Chelsea Weydiistay In Loo Soo Iibiyo Sadex Xidig Ka Hor Inta Uusan Heshiiska Cusub Saxiixin – Yaa Ku Jira Liiska?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa weydiistay kooxdiisa in loo soo iibiyo sadex xidig ka hor inta uusan heshiiska u kordhin, wuxuuna dalbaday Alex Sandro, Romelu Lukaku & Tiemoue Bakayoko.

47-jirkaan, waxaa si aad ah u dooneysay Inter Milan oo diyaar ula aheyd iney ka saxiixato heshiis 10-sanadood ah oo ku kacaya 106 Malyan oo Pound, balse waxey durba heleen tababarahii hore As Roma Luciano Spalletti.

Antonio Conte wuxuu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay u hogaamiyay Blues koobka Premier League, balse ma doonayo inuu kooxda sii leyliyo iyadoon loo sameyn maalgali xoog leh si uu dagaal adag ugu galo difaacashada horyaalka iyo sidoo kale ka qeyb galka tartamada yurub.

Sida lagu qoray Sunsport – Antonio Conte magacyada uu dalbaday waxaa ka mid ah weeraryahankii hore Blues Romelu Lukaku kaas oo lagu heli karo in ka badan 70 Malyan oo Pound.

Sidoo kale wuxuu dalbaday daafaca bidix ee qaranka Brazil Alex Sandro iyo sidoo kale burburiyaha sare ee reer France Tiemoue Bakayoko.

Conte kaliya laba sanadood ayaa qandaraskiisa Blues kaga haray wuxuuna sanadkii ka qaataa Blues aduun dhan 6.5 Malyan oo Pound, bale 9 Malyan ayaa la siin doonaa hadii uu qalinka ku duugo heshiiska cusub.