Antonio Conte Iyo Kooxdiisa Cheslea Oo Heshiis La Gaadhay Mid Ka Mid Ah Xidigaha Real Madrid Ee Santiago Bernabeu Ku Sugan.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa haddaba sii diyaarsanaya qorshaha suuqa kala iibsiga kooxdiisa Blues. Kulamo dhawr ah ayaa ka hadhsan xili ciyaareedkan 2016/17 waxaana soo dhawaanaya waqtiga uu dib u furmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagu, waxayna hadda Chelsea heshiis la sii gaadhay mid ka mid ah xidigaha ku sugan Santiago Bernabeu.

Sida uu shaaca ka qaaday  Diario Gol oo laga leeyahay dalka Spain, Chelsea ayaa heshiis la sii gaadhay gool dhaliyaha Real Madrid ee Alvaro Morata kaas oo liiska uu Antonio Conte doonayo kaga jira halka ugu saraysa.  Diario Gol ayaa horeba u shaaciyay in Morata uu kooxdiisa Madrid ku war galiyay in uu dhamaadka xili ciyaareedkan iskaga baxayo Bernabeu kadib markii uu kooxda Zidane ka waayay fursad uu ku ciyaaro.

Alvaro Morata ayaa isku arka in Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ay kaga baxeen balantii ahayd in uu door wayn ku yeelan doono Los Blancos markii dib looga soo celinayay Juventus. Gool dhaliyaha ree Spain ayaa waqti fiican ku soo qaatay Juventus Stadium, laakiin xagaagii la soo dhaafay Real Madrid ayaa dhaqan galisay qodob ku jiray heshiiskii uu Morata ugu biiray Juventus waxayna dib ugu soo celisay Bernabeu.

Laakiin Alvaro Morata ayaa inta ugu badan xili ciyaareedkan ku soo qaatay kursiga kaydka Real Madrid taas oo keentay in uu markale ka niyadjabo kooxda u jeclaa in uu waayihiisa ciyaareed uu ku qaato. Chelsea oo ka walwalsan in Diego Costa uu dhamaadka xili ciyaareedkan ka baxo safka kooxdeeda ayuu  Diario Gol sheegay in ay haddaba la sii heshiisay Morata.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments