Antoine Griezmann Oo Saadaaliyay Kooxda Champions Leaque-ga Ku Guulaysan Doonta Iyo Xidiga Hanan Doona Abaal Marinta Ballon d’Orka.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Ateltico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa saadaaliyay kooxda xili ciyaareekdan ku guulaysan doonta koobka Champions leaque-ga wuxuuna sidoo kale ka hadlay ciyaartoyga uu filayo in uu hanan doono abaal marinta shaqsiga ah ee Ballon d’Orka.

Antoine Griezmann iyo kooxdiisa Atletico Madrid ayaa xili ciyaareedkan ku dhamaysanaya koob la’aan kadib markii ay Champions Leaque-ga kaga hadheen afar dhamaadka iyaga oo wadarta labadii kulan ee Real Madrid ku hadhay. Antoine Griezmann ayaa sheegay in Juventus ay xili ciyaareedkan ku guulaysan doonto Champions Leaque-ga isla markanaa uu Buffon noqon doono ciyaartoyga abaal marinta Ballon d’orka ku guulaysan doon.

Antoine Griezmann oo la hadlyaay Cadena Ser ayaa yidhi: ” Juventus ayaa ku guulaysan doonta Champions leaque-ga, sidaa daraadeed Gig Buffon ayaa isna heli doona Ballon d’Or-ka.” Greizmann ayaan abaal marintan u saadaalin Cristiano Ronaldo oo isba finalka Champions leaque-ga fursad u haysta in uu markii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysato ama Lionel Messi oo guud ahaan soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah.

Dhinaca kale Antoine Griezmann oo qiimayna xili ciyaareedka kooxdiisa ayaa yidhi: ” Kulamada finalka ah ayaa ka dhaawac badan afar dhamaadka dhibta ku soo gaadha. Sababtoo ah waxaad doonaysaa in aad koobka sarre u qaado, waxaad doonaysaa in aad dadkaaga dhaqaajiso adib in aad guuldaraysataa waa wax aad u adag”.

Antoine Griezmann ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Kumaanu guulaysan wax koobab ah taas oo ahayd wixii aanu doonaynay, waxaanu fulinay ujeedo ah kaalinta saddexaad, waxaanu qabanay shaqo fiican”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments