Antoine Griezmann Oo Man United Ka Dhiganaya Wadadii Uu Kooxdiisa Aqoonsi Weyn Kaga Heli Lahaa – Sida Uu Qabo Felipe Luiz.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Oct 13, 2017

Daafaca Atletico Madrid Filipe Luis ayaa aaminsan in soo jiidashada uu Antoine Griezmann ku sameynayo Man United uu kaga dan leeyahay kaliya inuu dareen ka helo kooxdiisa sidoo kalana loo adkeeyo qandaraaskiisa.

Daafacii hore Chelsea ayaa intaas sii raaciyay in weeraryahanka reer France uu ku faraxsan yahay ka ciyaarista horyaalka La Liga sidoo kalana uu sanado badan oo soo socda sii joogi doono.

Jose Mourinho ayaa ka dhigtay xidigaan bartilmaameedka koowaad, balse raacfaankii laga soo diiday Atltetico Madrid ee la xiriiray ganaaxa suuqa kala iibsiga ayaa burburiyay gabi ahaan heshiiska labada dhinac.

Filipe Luis wuxuu qabaa in ujeedka Antoine Greizmann uu yahay kaliya inuu heshiis fiican ka helo kooxda inkastoo uu kasoo horjeestay inuu xidigaan u saxiixi lahaa Red Devils.

“Griezmann waa ilmo u hadlay si cad” ayuu u sheegay El Mundo. “Inkastoo ciyaartoyda ay hadlaan marka ay dareemaan inaan loo qiimeyneynin sida ay u qalmaan”

“Kadib waxey helaan taxadar badan, wuxuu heli lahaa dalabyo badan oo kaga imaanaya kooxo badan”

“Ciyaariyahanka doonaya inuu sare u kaco sida ugu weyn iyadoo la fiirinayo qandaraaskiisa iyo qiimahiisa. waana wax cadaalad ah, sida uu Griezmann shaqada fiican u qabto”

“Wey dhamaadeen dhamaan sheekooyinka ku saabsan kooxaha kale, mar walba wuxuu doonayaa inuu halkaan joogo, walina wuu joogaa, wuu ku faraxsan yahay wuuna jecel yahay”

“Waan hubaa wuxuu joogi doonaa sida ugu dheer, waxaan rajeynayaa in taageerayaasha ay fahmaan, wax walbana ay caadi kusoo laabanayaan, inkastoo uu goolal dhalinayo, goolasha ayaa daweynaya wax walba”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments