Antoine Griezmann Oo Isagoo Tusaale Usoo Qaadanaya Barcelona Si Adag Dib Isaga Weeraray Courtois & Hazard kuwaas Oo Saluugay Hanaan Difaaca France.

Weeraryahanka qaranka France Antoine Griezmann ayaa dib isaga weeraray goolhayaha qaranka Belgium Thibaut Courtois kaas oo aad u dhaleeceeyay hanaan ciyaareedka difaaca ku dhisnaa ee xulka France kulankii ay wada ciyaareen labada dhinac talaadadii.

Gool uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Samuel Umtiti ayaa go’aamiyay natiijadii kulankii ay xulalka France & Belgium ku ciyaareen Saint Petersburg, inkastoo ay xulka Red Devils kubadda wax badan heysteen hadana wey ka hareen tartanka.

Kadib kulanka ayuu goolhayaha qaranka Belgium Thibaut Courtois afka kala furtay isagoo aadaa uga soo horjeestay hanaanka France, sidoo kalana Eden Hazard ayaa ku raacay fikraddaas isla markaana niyadjab ku tilamaamay natiijada.

“Tani waa wax kasoo horjeeda kubadda cagta, weeraryahankooda ayaa ciyaarayay meel aan 30-talaabo ka fogeyn goolkooda, France waxey madaxeeyeen koorne, mana sameyn wax ka badan difaac” ayuu yiri Courtois kadib kulankiia Semi Final-ka.

“Waxaan doorbidi lahaa inaan  lumino kulankii Quarter final-ka ee Brazil, ugu yaraan waxey ahaayeen xul raba iney kubadda ciyaaraan” Sidoo kale Hazard ayaa sii qabsaday oo isna yiri: “Waxaan doorbidi lahaa inaan guuleysano intii aan ka adkaan laheyn xulkaan France”

Si kastaba shirkii jaraa’id ee xulka France ayuu kasoo muuqday Antoine Griezmann isagoo dib isaga weeraray labada xiddig ee Courtois iyo Hazard kuwaas oo ka wada tirsan kooxda Chelsea oo mar walba lagu xanto iney hanaankaas ciyaarto.

“Miyuu Courtois ku fakaray inuu ciyaaro kubadda Barcelona markuu joogo Chelsea?” ayuu yiri Antoine Griezmann, “Waxba igama galin sida, kaliya waxaan doonayaa inaan noqdo xiddiga labaad ee xirta maaliyadda, waa intaas kaliya”

1 Comment

  1. oo shardinooy haday barce kubado wangsan ciyaarto maxaa copa del rey uun ku soo koobay oo ay u dhaafi kari waayeen 16 ucl

Comments are closed.