Antoine Griezmann Oo Doortay Kooxda Uu La Jeclaan Lahaa Champions League & Xiddiga Uu La Doonayo Abaalmarinta Ballon d’Or.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa ka dhawaajiyay rabitaankiisa ku aadan kooxda ku guuleysan karta koobka horyaalada yurub ee Champions League iyo sidoo kale biladda shaqsiga ah ee Ballon d’Or.

Antoine wuxuu aaminsan yahay in Juventus ay hanan doonto koobka Champions League sidoo kalana Gianluigi Buffon uu ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or.

Kooxda reer talyaani ee Juventus ayaa final-ka Cardiff lagu balansan yahay horaanta June la ciyaareysa kooxda difaacaneysa Champions League ee Real Madrid.

Juventus kuma guuleysan koobkaan tan iyo 1995-96 markaas oo ay rigooreyaal kaga qaadeen Ajax, balse Griezmann ayaa qaba iney abaartaas kusoo afjari doonaan Millennium Stadium, sidoo kalana Buffon uu Messi & Ronaldo ku garaaci doono abaalmarinta Ballon d’Or.

“Juventus ayaa ku guuleysan doonta Champions League, sidaas darteed Buffon isna Ballon d’Or” Ayuu yiri Griezmann oo la hadlayay Cadena Ser gaar ahaan barnaamijka El Larguero.

“Finalada wey ku dhaawacan in ka badan semi finalada, sababtoo ah waxaad ku fakareysa inaad kor u qaadeysid koobka, waxaad la shaqeyneysaa dadkaaga, kadibna waad lumineysaa waa wax aad u adag” ayuu mar kale yiri Antoine oo ka hadlayay qasaarada kasoo gaartay Madrid 2016.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments