Aniga Iyo Tababare Kastaba Aad Ayay Noogu Adag Tahay-Maurizio Sarri Oo Dalbaday In FIFA Ay Isbadal Ku Samayso Jadwalkeeda Shaqo Ee Sanadka.

Waxaa laga soo laabtay kulamadii caalamiga ahaa ee xulalka qaramada aduunka ee labadii todobaad ee ugu danbeeyay la soo ciyaaray waxayna tababarayaasha kooxaha aduunku wadnaha farta ugu hayeen in ay dhaawacyo soo gaadhaan ciyaartoydooda muhiimka ah inta lagu jiray kulamada ay FIFA masuulka ka tahay ee heerka caalami, wuxuuna Maurizio Sarri dalbaday in FIFA ay jadwalkeeda sanadkii ay wax ka badasho.

Maurizio Sarri ayaa ku dooday in isaga iyo tababare kasta oo heerka kooxeed ah ay ku adag tahay in afar ama shan jeer loo baxo kulamada caalamiga ah wuxuuna FIFA ka dalbaday in jadwalkeeda sanadkii ay badasho oo ay kulamada caalamiga ah ka dhigto kadib xili ciyaareedka kooxaha.

Maurizio Sarri oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Waxaan filayaa in ay aniga iyo tababare kastaba aad noogu adag tahay. Anigu waxaan filayaa in ay FIFA waajib ku tahay in ay wax ka badasho kooxaha qaramada, sababtoo ah fasaxyo afar ama shan ah oo caalami ah aad ayay noogu adag yihiin”.

Maurizio Sarri oo FIFA u soo jeedinaya waqtiga ay tahay in la ciyaaro kulamada caalamiga ah ee xulalka aduunka ayaa yidhi: “Laga yaabee in shayga ugu fiican ee ay samayn karaan uu yahay in kulamada kooxaha qaramada la dhigo dhamaadka xili ciyaareedka”.

Ma aha markii ugu horaysay ee tababare heerka kooxeed ahi uu cabasho wayn ka muujiyo kulamada caalamiga ah ee xulalka aduunka kuwaas oo ay FIFA lafteedu lacag ka samayso balse Maurizio Sarri  ayaa codkiisa ku biirayay tababarayaal badan oo hore walaac uga muujiyay kulamada caalamiga ah ee inta uu xili ciyaareedku socdo loo baxo.

Maurizio Sarri ayaa muujiyay sida ay u adag tahay in marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah in ciyaartoydu ay soo laabtaan iyaga oo ku jira heerkii fiicnaa ee ay kooxahooda kaga baxeen balse waxay dhibata ugu badani dhacdaa marka uu ciyaartoy kulan saaxiibtinimo ku soo dhaawacmo.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.