Andres Iniesta Oo Sabab U Noqday In Muddo Bil Ah La Ganaaxay Ciyaartoy Ay Kawada Tirsan Yihiin Kooxdiisa Vissel Kobe.

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona ee Andres Inesta ayaa hadda ka tirsan kooxda horyaalka Japan ee Vissel Kobe kadib markii uu dhamaadkii xili ciyaareedkii hore go’aan ku gaadhay in uu soo gaba gabeeyo waayihiisii ciyaareed ee Camp Nou wuxuuna Iniesta wali muujinayaa in uu halka ugu saraysa ka ciyaari karo.

Laakiin Andres Iniesta ayaa qabsaday ciwaanada warbaahinta dalka Japan kadib markii sababtiisa muddo bil ah loogu ganaaxay ciyaartoy ay isku kooxda Vissel Kobe ka wada tirsan yihiin inkasta oo aanu xidiga reer Spain danbi ku lahayn.

Kooxda Vissel Kobe ayaa go’aan ku gaadhay in ay muddo bil ah ganaax dul dhigto xidiga kooxdeeda ee  Shunki Takahashi kaas oo Iniesta awgii u jabiyay sharciga kooxdiisa wuxuuna fariin u diray wiil ay saaxiibo yihiin isaga oo wararka kooxdiisa ee kulan soo socday sii bixiyay.

Shunki Takahashi ayaa saaxiibkii u diray fariin qoraal ah oo uu ku sheegay in Andres Iniesta aanu ciyaari doonin kulankii Urawa Reds laakiin wiilka fariinta loo diray ayaa bartiisa twitterka ku soo daabacay isla qoraalkii uu xidiga kooxda Vissel Kobe ee  Shunki Takahashi uu ku bixiyay in Iniesta aanu ciyaari doonin.

Intaa kadib kooxda Vissel Kobe ayaa raali galin siisay jamaahiirta kooxdeeda in wararkii kooxdeeda lagu sii daabacay barta twitterka iyada oo sharciga kooxdeedu dhigayo in aan la sii bixin karin sirta shaxda kooxdeeda iyo ciyaartoyda ciyaari doonta ama maqnaanaysa.

Sidaa daraadeed, kooxda  Vissel Kobe ayaa xidiga kooxdeeda ee Shunki Takahashi ku ganaaxday muddo bil ah maadaama oo uu sii bixiyay wararka Andres Iniesta waxayna taasi keentay in sababta Iniesta oo aanu danbi ku lahayn uu xidigani ku mutaystay muddo ganaax bil ah.

Andres Iniesta ayaa ah ciyaartoy aan waligii kaadhka cas soo qaadan isla markaana aan ciyaartoyda ku soo dhex dhibaatayn garoonka dhexdiisa balse sabab aanu gaysan balse isaga la xidhiidha ayaa xidiga Vissel Kobe ee Shunki Takahashi muddo bil ah lagu ganaaxay.