Andreas Iniesta Oo Sii Shiday Xasaradda Kulanka El-Clasico Kana Dhawaajiyay Kulamada Uu sida Daran U Xasuusto.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Barcelona waxey u baaha tahay iney nooleyso rajadeeda horyaalka La Liga marka ay Santiago Bernabeu marti ugu noqdana kooxda Real Madrid kulanka El-Clasico oo si weyn loo wada sugayo waxaana la daawan doonaa Axadda.

Andreas Iniesta wuxuu jeclaan lahaa inuu kubadda cagta ku arko Video Assistant refereering (VAR) oo ah aalad ka saacidi karta garsoorka inuu dib u saxo qaladka uu ka sameeyo garoonka hadii uu shaki ka muujiyo.

Si kastaba Iniesta ayaa sii huriyay xifaaltanka adag ee ka dhaxeeya labada kooxood wuxuuna si wacan u xasuusiyay Jamaahiirta Los Blancos jabkii ugu weynaa oo ay Barcelona ka helaan sanadahii ugu dambeeyay.

“El-Clasico, waxaan si aad ah u xasuustaa natiijooyinkii 6-2 iyo 5-0” ayuu yiri kabtanka Barcelona Andreas Iniesta.

Andrea wuxuu doonayaa in Balaugrana ay ku celiso qaab ciyaareedkii xili ciyaareedkii hore markii ay booqdeen Santiago markaas oo ay 4-0 kuso guuleysteen, waxeyna si weyn u furi doonaan tartanka horyaalka La Liga.