Andre Gomes Oo Tababare Ernesto Valverde Ka Dalbaday In Bishan January La Iibiyo Iyo Imaatinka Philippe Coutinho Oo Xaaladiisa Sii Xumeeyay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jan 9, 2018

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Barcelona ee Andre Gomes ayaa tababaraha kooxdiisa ee Ernesto Valverde ka dalbaday in bishan January laga fasaxo Camp Nou. Xidiga ree Portugal ayaa tan iyo markii uu Barcelona ku soo biiray si wayn ugu soo dhibtoonayay iyada oo waliba ay jirtay waqti ay jamaahiirta kooxdiisu ku oriyeen kadib bandhig liita oo uu kala soo muuqday waqtigii Luis Enrique ee uu kooxda ku soo biiray. Andre Gomes ayaa hadda arkaya Coutinho oo qiimihii ugu qaalisanaa Camp Nou ku soo gaadhay taas oo xaaladiisa sii xumaysay.

Xidhiidhka Valverde iyo Andre Gomes ayaa ah mid ka fiican sidii uu ahaa Luis Enrique laakiin Andre Gomes ayaa doonaya in uu waqti badan ciyaaro iyada oo waliba uu soo dhaw yahay koobka aduunka ee sanadkan ka qabsoomi doono Russia. Andre Gomes ayaa doonaya in uu u dagaalamo booskiisa koobka aduunka ee Portugal balse haddii aanu waqti fiican ku ciyaarin waxa uu halis galinayaa in uu booskiisa waayo.

Andre Gomes ayaa haddaba lumiyay booskii uu ka haystay xulka qaranka Portugal ee uu hogaaminayo Fernando Santos isaga oo aan ku soo bilabaan kulamadii ay soo ciyaareen, laakiin waxa uu doonayaa in bishan January uu iskaga baxo Barcelona si uu ugu biiro koox uu dib ugu soo dhiso waayihiisii ciyaareed ee Camp Nou ku xumaaday.

Andre Gomes ayaa lix kulan oo kaliya kaga soo bilawday 29 kii kulan rasmi ee uu Valverde ka soo shaqeeyay Barcelona waana laba kulan oo la Liga ah, laba kulan oo Copa Del Rey ah iyo waliba hal kulan oo Champions League ah balse in Coutinho uu hadda soo gaadhay Barcelona ayaa xaaladiisa ka dhigaysa mid sii adkaatay.

Andre Gomes ayaa xili ciyaareedkan Barcelonaka soo muuqday 635 daqiiqo wuxuuna sameeyay hal gool caawineed oo kaliya taas oo muujinaysa sida uu ugu liito kooxda hogaaminaysa La Liga isla markaana aan wax guuldaro ah la soo kulmin saddexda tartan ee ay ku jirto.

Andre Gomes ayaa horeba loola xidhiidhinayay kooxda Juventus laakiin imaatinka Coutinho ayaa kooxo badan ku dhiiro galinaya in xidiga ree Portugal ay la soo wareegi karaan. Barcelona ayaa sidoo kale u furan in ay ciyaartoy aan qorshaha Valerde ku jirin ay iska iibiso iyada oo haddii ay dalab muhiim ah u hesho Andre Gomes iska iibin doonta.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. liibod 10-01-2018 at 5:52 pm -

    MARKA LAGA HADLAAYO BARCELONA REERO MADRID MUXUU DHIIGU UGU KACAA MESHA MA MESSI BA JOOGA TALOW

  2. Ikraan 10-01-2018 at 12:06 am -

    Hhhhhhh yasmin Wan ku daremi karna Qali Sorry Lkn Xan ka qaban karna Hadey dhacday in koxda barca iska tagto 16 dhibcod xaax xanun Waa mawaxa hilmamtay 3 – 0 Mida kale la Liga FARA maba ku heysane delreyga iyo psg iska tugtuga tas aa sharaftina ku jirtahe Mida kale ha hilmamin in koxda barca iyo man city bes rikorka aan laga badin hestan kobabka dhan oo ey ku tartanayan xaax her xar Madrid

  3. yaasiin 09-01-2018 at 10:39 pm -

    Ninkan batalaale la baxay nin ka hadal jilicsan
    Ma arag iyo dhmaan webkan barce.net la baxay
    Real hadalkiina ku burburimayso barcelonana hadalkina koobab ku qaadi mayso
    Wakhtigii barce wùu dhamady
    Naadi copa delrey koob u yahay ma naadi
    Countinho muu yimaaden hadii uu ka iman lahaa naadi koobabka ku guulaysta loserpool buu ka yimid
    Imkana salaaan buu ka sii dhiganayaa
    Sirtu waxy iskugu imanysaa real ninkan neymar bay balameen
    Qutaafadlona ciyaartoy caalami ahi ma rabo
    Webkan iska xidh mrkay sanadkn sidedii copa del rey qaaado

  4. Zazir 09-01-2018 at 9:11 pm -

    Janis halasiyo Andre Gomez wa laacib mastaqbal leh

  5. mohamed 09-01-2018 at 8:45 pm -

    iga dira kanni waa tacbaan runtii isaga iyo alex vidal ba