Ander Herrera Oo Qaba In Kulankii Ay Kooxdiisa La Ciyaartay Liverpool Uu Ahaa Cajiib Xili Uu Noqday Kulankii Ugu Caajiska Badnaa Todobaadkaan

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Oct 18, 2016

Kadib hadal heyn badan iyo indhaha caalamka lagu soo jeediyay waxay ay saxaafada ingiriiska ugu yeereen “Red Monday” kulankii xalay dhexmaray Liverpool iyo Man United ayaa isku badalay “Dead Monday”.

Labada koox ayaana soo bandhigin qaab ciyaareed u qalma lacagaha ay ku fadhiyaan iyadoo labada kooxba ay ka muuqatay cabsi waxayna wadar ahaan labada koox tijaabiyeen goolhayeyaasha kaliya sadex jeer (Dhamaantood Liverpool ayaa sameysay) waxayna ciyaartii xalay noqotay midii ugu caajiska badneeyd ee todobaadkaan la ciyaaray.

Isagoo saxaafada la hadlayay kulanka kadib Ander Herrera oo khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ayaa yiri “Waxaan ciyaarnay kulan cajiib ah, waxaan qabanay shaqo kooxeed, waxaa la inooga baahna inaan guuleysano laakiin haatanba natiijo xun ma aynan helin”.

ander-herrera

Ashley Young ayaa isna ku calaacalay in kooxdiisa u qalantay iney guuleystaan wuxuuna yiri “Waxaan u qalanay guul laakin kubada ayaa mararka qaar sidaasi iska ah”.

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. noor 18-10-2016 at 8:05 pm - Reply

    Kan bahal ku qortay baan la hadlayaa sxb ninka maqaalka qorey wuxuu sheegay waxaad ka hadlaysaa waa kala kaan Anigu labadaas kooxood midna ma taageero lkn mudo 16 sano ah baan kubadda joogto u daawanayey weligay ciyaarka caajisan maan Arkin sababtuna aan kuu cadeeyee waxay ahayd ciyaartii ugu fursado yarayd een Abid daawado Liverpool oo guil loo filaayey kaliya laba fursadood bay heshay halka Manchester oo ah kooxaha ugu furasdo Abuuris badan England ay samaysay laba fursadood hada waxan ka hadlayaa waa fursadaha gool lagu dhalin karay markaa sxb intaad cid caayi lahayd horta kubada barro xamaasadana iskadaa

  2. bahal 18-10-2016 at 7:50 pm - Reply

    adigu ka ugu xoolaysan ayaad tahay ee wax iska soo qora adeer ciyaraha waxanu dawanaynay ku dhawad 12 sano waligayna intan dawanayey liverpol iyo man utd kulan kii xalay oo kale imuu soo marin goalal layskam dhalin lkn qaabka ciyaartu u adkeed iyo xafada waligay man arkin markasad kuledahay ciyaar caajis ah ayey soo bandhegiin nacas ayaad tahay cida aad tagarayso laabtada ku hayso

  3. shiine 18-10-2016 at 7:12 pm - Reply

    War kuwan manchester u ciyaara ma qajilayan. Kkk liverpool ayaa guul u dhawayd

Leave A Response