Ander Herrera Oo Kashifay Sida Uu Alvaro Morata Ugu Dhawaa In Uu Manchester United Ku Soo Biiro.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jul 16, 2017

Xidiga ree Spain ee Ander Herrera ayaa si cad uga hadlay qaabkii uu ugu qaatay in Alvaro Morata ay Old Traffrod kaga wada ciyaarayaan xili ciyaareedka cusub. Ander Herrera ayaa ceeb ku tilmaamay in aanay dhicin wixii uu filayay oo ahaa in Manchester United ay dhamaystirto saxiixa Alvaro Morata.

Manchester United ayaa dalab 60 milyan oo gini ah ka gudbisay Alvaro Morata wuxuuna xidiga ree Spain ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ee  ugu biiri lahaa Manchester United balse Real Madrid ayaa hoos uga soo degi wayday 80 milyan oo gini oo ay ku qiimaysay adeega Morata taas oo keentay in wada xaajoodyadii labada kooxood burburaan.

Manchester United ayaa markii ay ka quusatay dhamaystirtay heshiiskii waqtiga badan qaatay ee Alvaro Morata waxay waqti kooban ku dhamaystirtay Romelu Kulaku oo ay 75 milyan oo gini kula soo wareegtay laakiin Ander Herrera ayaa ka murugooday in Morata aanu Manchester United kula soo biirin.

Ander Herrera oo waraysi siiyay Daily Mirror ayaa isaga oo Morata ka hadlaya yidhi: “Anigu xataa waxaan bilaabay in aan ka fikiro in aan la ciyaari doono Morata. Xaqiiqdii waxa uu u dhawaa in uu saxiixo. Waa wax ceeb ah in aanu isagu nala joogin laakiin waa gool dhaliye heer sarre ah  wuxuuna wax fiican ka samayn doonaa halka uu ka ciyaarayo”.

Alvaro Morata iyo Ander Herrera ayaa axada soo socota isakga hor iman doona kulanka ICC Cupka markaas oo ay Real Madrid iyo Manchester United geesaha isla gali doonaan laakiin Real Madrid ayaa wali doonaysa saxiixa David De Gea balse Mourinho ayaa ku xidhaya shuruud adag oo ah in marka hore uu Toni Kroos ka helo Madrid.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments